Maansada Cabdiqays Ee Naadirka ah Waxa ka Mid ah Heestan “Soo Dhalo Hooyo” Uu ku Tilmaamayo Dhibaatada Afrika! Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maansada Cabdiqays Ee Naadirka ah Waxa ka Mid ah Heestan “Soo Dhalo Hooyo” Uu ku Tilmaamayo Dhibaatada Afrika! Cali Guray
February 19, 2018 - Written by Editor:

Maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxa ka mid ah heestan “Soo Dhalo Hooyo” uu ku tilmaamayo dhibaatada Afrika ee dagaalada inta ku dhimata, ku dhaawacanta, ku barkacda ee ka qaxda ay dadka rayidka ahi ugu badan yihiin ee waliba tacdiga iyo dambiyada laga galo bani aadmigu ay u dheer yihiin. Waa markii uu qaxoontiga Yurub uu ku tegay Afrika oo dhamina tahriibka qaaradda Yurub habqanku is daba joogay ee afrikaanku neceen dalaalkoodii iyo qaaradiiba. Marka aad u fiirsatid maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxad qiraysaa in abwaanku uu yahay fanaan isu dhan oo si walba u fanaan ah oo weliba aad odhan kartid waa abwaan faylasuuf ah

Bal u fiirso ilmaha aan weli ifka u soo bixin sida uu u garnaqsanayo isaga oo diidan inu ku dhasho dhulkii hooyadii iyo gubi ahaanba qaaradda Afrika. Oo u eeg xaaladda dhanta ah ee ka taagan Afrika oo dadkeedii oo dhami ay ku hamiyayaan inay iskaga haajiraan oo Yurub iyo Maraykan u beegsadaan

SOO DHALO HOOO

Ha dhibin hooyadaaye

Soo dhalo

Meel dhallaanka lagu dilo

Ku dhalan mayo

Meel cidi I dhawrayn

Ku dhalan mayo

Soo dhalo hooyo

Dhiigga iyo colaadaha

Ku dhalan maayo

Dagaallada dhexdiina

Ku dhalan maayo

Soo dhalo hooyo

Dhalan maayo

Anigu dhalanteed

Ku dhalan maayo

Soo dhalo hooyo

Afrikaba dhammaanteed

Ku dhalan maayo

Dhibbaa ii kordheysoo�Ku dhalan may

Soo dhalo hooyo

Ku dhalan maayo

Dhagartiyo waxyeellada

Ku dhalan maayo

Anigu dhalanteed

Ku dhalan maayo

Habeenkii wuu dhaqaaqay

Sadkaagii wuu dhamaaday

Dhexdeediyo feedhaheeda

Haddaad soo dhaafi weydo

Culayskaagaa dhibaayoo

Dhimasho kama baaqsanaysee

Dhammow waxa nala wanaagsan

Inay dhakhso kala timaaddee

Ha dhibin hooyadaaye

Soo dhalo

Meel dhallaanka lagu dilo

Ku dhalan maayo

Meel cidi I dhawrayn

Ku dhalan maayo

Soo dhalo hooyo

Afrikaba dhammaanteed

Ku dhalan maayo

Dhibbaa ii kordhaysoo

Ku dhalan maayo

Soo dhalo hooyo

Dhalan maayo

Anigu dhalanteed

Ku dhalan mayo.

COMMENTS
LINKS