Maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxa ka mid ah heestan “Soo Dhalo Hooyo” uu ku tilmaamayo dhibaatada Afrika ee dagaalada inta ku dhimata, ku dhaawacanta, ku barkacda ee ka qaxda ay dadka rayidka ahi ugu badan yihiin ee waliba tacdiga iyo dambiyada laga galo bani aadmigu ay u dheer yihiin. Waa markii uu qaxoontiga Yurub uu ku tegay Afrika oo dhamina tahriibka qaaradda Yurub habqanku is daba joogay ee afrikaanku neceen dalaalkoodii iyo qaaradiiba. Marka aad u fiirsatid maansada Cabdiqays ee naadirka ah waxad qiraysaa in abwaanku uu yahay fanaan isu dhan oo si walba u fanaan ah oo weliba aad odhan kartid waa abwaan faylasuuf ah
Bal u fiirso ilmaha aan weli ifka u soo bixin sida uu u garnaqsanayo isaga oo diidan inu ku dhasho dhulkii hooyadii iyo gubi ahaanba qaaradda Afrika. Oo u eeg xaaladda dhanta ah ee ka taagan Afrika oo dadkeedii oo dhami ay ku hamiyayaan inay iskaga haajiraan oo Yurub iyo Maraykan u beegsadaan
SOO DHALO HOOO
Ha dhibin hooyadaaye
Soo dhalo
Meel dhallaanka lagu dilo
Ku dhalan mayo
Meel cidi I dhawrayn
Ku dhalan mayo
Soo dhalo hooyo
Dhiigga iyo colaadaha
Ku dhalan maayo
Dagaallada dhexdiina
Ku dhalan maayo
Soo dhalo hooyo
Dhalan maayo
Anigu dhalanteed
Ku dhalan maayo
Soo dhalo hooyo
Afrikaba dhammaanteed
Ku dhalan maayo
Dhibbaa ii kordheysoo�Ku dhalan may
Soo dhalo hooyo
Ku dhalan maayo
Dhagartiyo waxyeellada
Ku dhalan maayo
Anigu dhalanteed
Ku dhalan maayo
Habeenkii wuu dhaqaaqay
Sadkaagii wuu dhamaaday
Dhexdeediyo feedhaheeda
Haddaad soo dhaafi weydo
Culayskaagaa dhibaayoo
Dhimasho kama baaqsanaysee
Dhammow waxa nala wanaagsan
Inay dhakhso kala timaaddee
Ha dhibin hooyadaaye
Soo dhalo
Meel dhallaanka lagu dilo
Ku dhalan maayo
Meel cidi I dhawrayn
Ku dhalan maayo
Soo dhalo hooyo
Afrikaba dhammaanteed
Ku dhalan maayo
Dhibbaa ii kordhaysoo
Ku dhalan maayo
Soo dhalo hooyo
Dhalan maayo
Anigu dhalanteed
Ku dhalan mayo.