Noloshii Miyiga Ee Xoolo Dhaqatada Iyo Beeralayda Ahayd Ayuu Is Dhexgalka Iyo Wax Istarka Dadku kaga Wanaagsanaa Noloshan Magaalada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Noloshii Miyiga Ee Xoolo Dhaqatada Iyo Beeralayda Ahayd Ayuu Is Dhexgalka Iyo Wax Istarka Dadku kaga Wanaagsanaa Noloshan Magaalada.
February 19, 2018 - Written by Editor:

Miyigiina wuu soo baaba’ayaa magaaladuna way sii macno beelaysaa, casri walba cidii nool baa sababteeda leh !!

Dadka somalida dhaqankoodu iyo noloshooda inta ugu badani waxa ay ku tiirsan tahay xoolaha nool, oo waa xoolo dhaqato reer guuraa ah oo ku nool dhulka ay xooluhu ugu dhaqmayaan iyo maalinba meeshii baad iyo biyo looga helo xoolaha.

Nolosha xoola dhaqatadu iyaduba waxa ay ahayd xadaarad iyo isdhex gal bulsho maadaama oo uu qofka xoola dhaqatada ahi marba deegaan u guurayo oo uu baranayo dal iyo dad cusub oo ay wada degaan wax wada cunaan kala guursadaan.

noloshii hore

Xoolo dhaqatada xataa xuduudaha dalalku ma saameeyaan oo marba dalkii roobku helo ee xoolaha biyo iyo baad looga helo ayuun baa loo wada guuri jirey, dadkuna isugu tagi jirey oo la wada daaqi jirey, waa sababta nolosheenii hore ay uga muuqatay is jacaylka wax isku ahaanta iyo is xidhiidhinta milgaha iyo maamuuska lahayd.

Marba marka ka dambaysa xoolihii way inaga sii yaraanayaan, oo waa aynu soo caydhoobaynaa, sababo badan awgood oo ay ka mid yihiin, roobabkii oo inagu yaraaday dhulkii xoola daaqeenka ahaa oo seerayaal laga dhigtay, dhirtii waaweynayd oo la dhuxulaystay iyo abaaro culus oo inagu soo noqnoqday.

Xoolaha inaga baxaya awgood ayaa waxa ay sababtay in dadkii isugu yimaado magaalooyinka oo uu dhaco waxa loo yaqaan magaalo ku soo ururka ( urbanisation ) oo khatar ku ah jiritaanka nolosheena iyo qaababkii xadaaradaha ee aynu u soo nooleyn qarniyadii tagey.

Waxaa jiri jirtay beeralay beerata beeraha oo la soo baxda cuntadooda oo qodaal loo yaqaanay, waxaana ay ahayd nolol dadku isku filan yihiin oo ay waliba wax tari karaan dadkooda kale, iyaga oo haystay kaydka cuntada ay cunayaan mudo marka laga reebo inta ay bixinayaan ama iib gaynayaan.

Haddaba nolosheenii beeralayda ahayd iyaduna way soo gaabatay, waxaana aad moodaa in ay meesha ka baxaysoba sababo badan awgood oo ay ka mid yihiin roob yaraan, biyihii dhulka oo fogaaday, siidhkii la beeranayey oo bilaa tayo iyo raandhiis ah iyo tacabkii dadka oo soo yaraanaya, awood la aan iyo maalin galin la’aan iyo niyad jab kaga yimaada waxii ay tabceen oo bilaa qiimo ka noqda suuqyada ama wax aan mukhaarish aheyn laga siisto.

Arinkaasi oo isaguna sababay in magaalada dadkii isugu yimaadaan oo laga soo dhamaado dhulkii la beeran jirey iyo deegaamadii ku suntanaa wax soo saarka ummadda oo iyaduna inagu ah culays weyn oo laf jab ku keentay nolosheenii aasaasiga ahayd, magaalooyinkana culays soo saartay.

Sidaasoo ay tahay

 

Ayaa ay Magaaladuna tahay meel ay isugu timi bulsho kala deegaan duduwan ama kala deegaan durugsan oo qofwaliba macno la yimid uu ugu noolaado magaalada oo leh xoogiisa uu ku shaqeysto, xirfad kale oo uu leeyahay ama xoolo uu la yimaado.

Dadka kala duduwan ee isugu yimaada meesha magaalada ah midiba wax buu sidaa, midi maal buu la imanayaa uu magaladaa kaga shaqeysto, midi maskax buu la imanayaa uu shaqo ku abuuro, midina muruq buu la imanayaa uu kaga xoogsado magaalada, markaas ayey magaalada laftarkeedu is camiraysaa.

Haddaba nolosheenii miyiga ee xoolo dhaqatada iyo beeralayda aheyd iyo nolosha magaaladu ma kala maarmayaan oo hadii nolosha rasmiga ah ee miyiga ee aynu laheyn inaga soo baa’ba do, nolosha magaaladuna macno sameyn mayso wax lagu iibiyona la heli maayo magaaladuna ina wada qaadi mayso oo nolosheena ma kafayn karto.

Dalkeena magaalooyinka ugu xadaarada horeeyey ama ugu hor magaaloobay amaba dadka miyiga isaga tagaa tegi jireen ama qofka nolosha miyiga ku caydhoobaa oo risiq doonan jirey waxa ay ahaayeen magaalooyinka xeebaha oo aduunyada kale ku xidhnaa oo laga dhoofiyo xoolaheena nool, beeyada iyo waxii dalag ah ee dadku la soo bixi jireen, dadkednuna ay ka soo iibsan jireen waxii ay uga baahdaan.

Maanta haddaba nolosheenii waxa ay isugu soo ururtay magaalo, dadkaa magaalooyinka isugu yimid waxa ugu macaash iyo faaiido badan ninka gartay in deegaankiisa ay bulshadu isugu timaado maadaama marmarba marka ka dambaysa la isugu soo ururayo oo la isugu imanayo magaalada.

Arinkaa laftiisa ayaa xadaarad fog oo facweyn ka soo jeeda sababtuna waxa ay tahay qofka deegaankiisa la isugu yimid faaiidada ugu badan buu helayaa dhulka la degayaa waa dhulkiisii cida wax laga iibsanayaa waa isaga cida magaalada caanaha iyo adeegii loo baahnaa oo dhan keenaysaa waa isaga, dadkan isugu yimid waxa ay suuq u yihiin qofka deegaanka ah.

Odayadii hore iyo dadkii hore ee magaalooyinka yimid iyo dawladuhuba si ay meesha u magaaleeyaan amaba iyaga oo fahansan macnaha kala duduwanaanta dadku nolosha u leedahay ayey dadka kale soo dejin jireen somali iyo Ajaanib ba markaasaa ay jirtay magaalooyin xadaarad iyo isdhex gal bulsho ka hirgaleen oo aan reero iyo ardaayo loo kala deganayn.

Maanta hadaba magaalada gudaheeda ayaynu reero usoo kala deganahay oo aad moodaa in reerba dhinac gaar ah ama halkuu magaalada ka soo gallay ama deegaankiisu xigo isku urursaday arinkaasi waxa uu wiiqay macnihii iyo is dhex galkii dadku qiimihii uu lahaa, hadiiba aad dadka wareysato sidii loo degenaa 70skii iyo maanta faraq weyn baa inoo dhexeeya oo kuwii barigaa meesha kuwada dhashay ayaa nin waliba inta uu gurigii iibiyey dhinaca xaafadoodu ku badan tahay u guurey.

Waxaaba aad moodaa ama ay tahayba in dadka isdhex-galkoodu ehelnimadooda iyo isjacaylkoodu uu ka wanaagsanaa wakhtiyadaa hore, waxa kaliya ee aad u fiirsataa dadku sida ay isku dhali jireen ee inan iyo abtigii u ahaayeen ee aad la isku jeclaa iyo maanta sida aynu noqonay aad bay u kala fog tahay.

 

Waxa aan ku soo ururinayaa in la soo celiyo oo dib loo yagleelo nolosheenii miyiga, lana baneeyo dhulkii Xooluhu daaqi jireen ee la iska wada ootay iyada oo aan waxba laga beerayn, dhamaan na la baabiiyo seerayaasha, qofkii wax beeranayana loo ogolaado intaa uu beeranayo oo kaliya.

Waxa aan soo qaadanayaa laba sifo oo tilmaamaya is jacaylka iyo wanaaga beeralayda iyo xoola dhaqatada.

Beeralaydu waxa ay isku caawiyaan nidaam kooxaysan oo hadba ka hawli haysato lala qabto waxaana loo yaqaanaa ( GUUS ) waa xeer ceelasha loo wada qodo, beerta loo wada qodo marka la jarayona la isku caawiyo oo loo wada gooyo i w m.

Xoolo dhaqataduna waxa ay leedahay xeer qofka xooluhu ka dhamaadaan wax loo taro waxaana la yidhaa ( XOOLAYN ) waxa kale oo astaan iyo tilmaan isjacayl ah sida loo wadaago marka caanaha geella la soo liso ee loo wareejiyo iyo sida xoolaha loo wada waraabiyo i w m.

Ilaahay Baa Mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh SCW

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS