”Addoon Ahaan Ayaa Afar Jeer Liibiya la Iigu kala Iibsaday” Tahriibe ka Waramay Dhibta Loo Gaystay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
”Addoon Ahaan Ayaa Afar Jeer Liibiya la Iigu kala Iibsaday” Tahriibe ka Waramay Dhibta Loo Gaystay.
February 20, 2018 - Written by Editor:

Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayay xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay.

Wuxuu BBC-da uga warramay rafaadka iyo dhibaatadii uu ku maray intii uu Liibiya joogay.

Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya.

tahriibe maxamed

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsaday, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yidhi Maxamed

Tahriibayaasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan Dalalka Yurub.

Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

“Saddex jeer ayaa addoon ahaan Liibiya la iigu kala iibsaday”

Hawada Delhi oo aad u wasaqowday

Taariikhda Sadio Mane

Dalka Liibiya waxaa ku xidhan ama Tahriib Sugayaal ah Boqolaal Soomaali ah oo Doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan Dhanka Taliyaaniga.

Dadkan xidhan waxay isugu jiraa kuwa Xabsiyada Dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo Gacanta ugu jira Maleeshiyaad Aan cidna ka Amar Qaadan.

Maxamed ayaa xusay in ciqaab kala duwan la marsiiyo Muhaajiriinta la Afduubay.

“Ciqaabtu way kala duwan Tahay. Mararka Qaar cunnada ayaa Lagaa jarayaa,Xerooyin Usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu Intaa ku daray Maxamed.

Baxsashadii Maxamed

Mohammed Abdirahman Mohamud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee Afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday.

“Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suuliga Aadaya ayaan Aayar Albaabka Iska furay Dabeedna Gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay.

“Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri

Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saaca ah ayuu gaardhay magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah.

Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaadho halkaasi oo uu la xidhiidhay safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay

COMMENTS
LINKS