Safarkaygii Shalay Ee Hargaysa Iyo Wixii Aan Jidka Kala Kulmay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safarkaygii Shalay Ee Hargaysa Iyo Wixii Aan Jidka Kala Kulmay!!
February 28, 2018 - Written by Editor:

Amin goor sheegtu ku buuxday  8:00 Am subaxnimo ayaan safar kaga ambabaxay magaalada berbera, waa maalintii salaasaad ee 27.2.2017, socdaalkaygasi oo ku aadanaa  Caasimada somaliland ee hargaysa  oo  ku dhawaad laba bilood iyo Badh aan ka maqnaa waxaanay taariikh ahaan u dhigmaysay mudo xileedka Madaxwaynaha Somaliland mudane muuse biixi cabdi “  markii Aan ka gudbay  kantoorka Berbera waxa aan kordhiyey xawligii aan gaadhiga ku waday  taasoo ay ii saamaxaysay tayada jidka laamiga ah oo xaaladiisu ahayd mid aad u wanaagsan,  Inkastoo aan xusuusnaa inay jirto meelo dhowr ah oo wadadu aad uga duwantahay heerka halka aan maraayo  ,Maadama Aan Niyada ku Hayay in jidka berbera iyo  Hargaysa u dhexeeya inta ugu fiicani tahay Berbera ilaa tuulada macaaneeya oo masaafo ahaan ku dhow 80Km

 Waxaanan filaayey wixii ka bilowda tuulada Macaaneeya inuu jiro burbur baaxaadleh  oo caqabad ku ah xawliga baabuurka .balse xaaladu sidii aan moodaayey qaabka duwan ayaa xaalku noqday

 Waxaana lama filaan igu noqotay dayactirka kusoo kordhay mudadii iigu dambayay tuulada Macaneeya waxaana meesha ka baxay  godadkii iyo burburkii culayska badan lagala kulmi jiray Arintaasi Ayaa isbedeshay

shalay  Markii Aan gaadhay Goolad Koda yare ayaa waxa indhahaygu qabteen jidkii oo si xooga looga shaqeeyay iyo Waliba godadkii xoog u waaweynaa oo  la buuxiyay iyo baabuurtii iga Horaysay oo gaadhi keliyi aanu  Haadkiisa ka weecanaynin oo si xawaare ah u socdaan .markii Aan Cabaar Socday ee  God kaliya baabuurki ku dhici waaway ee gaadhi kaliya oo Haadkiisi ka soo baxaya Aan waayay .Ayaa Aniguna Qaatay Go,aan Ah inaan gaadhiga ku wado xawaarihii  Aan ku soo waday Berbera ilaa Macaneeya “ waxa kale oo xusid mudan  Una Baahan in la sheego.Halkii shilalka ugu badan ka dhici jireen ee Hargaysa duleedkeda ahayd ee booyadaha biyaha ka soo dhaamiya Dararwayne ilaa inta ay markayaan  jidka loo yaqaan Burcada .laamidi hor marta miyi iyo magaalo intaasi oo laamaydu ka ahayd jidka ugu godka iyo shilka badan baabuurtan loo wadi jiray si degan oo ah gaadhiga kaa daneeya iyo ka kaa horeeya inaad si feejigan isaga eegto madaama mid waliba ka soo weecanayo god    ayaa  shalay waxa uu ahaa jidkaasi  mid sidii ka bedelan oo gaadhi waliba haadkiisa haystay gaadhigu dhinaca uu doona hawsocdee xawli  fiican  loo kaxay karayay   .sidaasina waxa la odhan karaa waxa ku yaraankara shilalkii badnaa ee halkaasi ka dhici jiray iyadoo wixii qadarka alle ah  cidina  baajin Karin “  Jidkaasi dayac tirka lagu sameeyay ayaa waxa lagu qiyaasi karaa 170 km  berbera iyo Hargaysi isu jiraan kala badh ahaan inuu jidku burbur sanaa iminkana wasaarada jidadka iyo gaa,iidku ku guulaystay inay dayac tirto.

Udhaxeeya

 Mudo ku dhow laba laba bilood iyo badh wasaarada jidadka iyo gaa,iidku  ay jirtay waxay ku guulaystay  inay jidkaasi dayac tir balaadhan ku samayso . waxa kale shaqo xoog ah ka socotay buundada Cabaad weyne ee   roobabkii sanadihii hore dayay dalka  burburiyeen .waxaana waxaana  qiyaasi karaa in wax qabadka 100 cisho hore ee xukumada madaxwayne muuse biixi soo badhisayso kaalin fiican ay ka gali karto wasaarada jidadka iyo gaa,iidku

 

 Saxafi Mubaarig Nirig

Saaxil181@gamil.com

0634440181

COMMENTS
LINKS