Q 2aad HOOYO REER SOMALILAND AH AYAA WAXAY WARAAQ U QORTEY WIILKEEDA OO WALI UURKEEDA KU JIRA WAXAY TIRI. HOOYO WIILKEYGIIYOW WAXAAD DHALAN DOONTAA LABA BILOOD KADIB W/Q ENG HABANE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Q 2aad HOOYO REER SOMALILAND AH AYAA WAXAY WARAAQ U QORTEY WIILKEEDA OO WALI UURKEEDA KU JIRA WAXAY TIRI. HOOYO WIILKEYGIIYOW WAXAAD DHALAN DOONTAA LABA BILOOD KADIB W/Q ENG HABANE.
March 1, 2018 - Written by Wariye:

Hooyo wiilkeygiiyow anaga oo reer barwaaqeysan ayaa waxaa mar kaliya is badaley noloshayadii taasina waxaa sobab uhaa markii aabahaa shaqadii uu ka shaqeynayey looga joojiyey qabyaalad iyo reernimo, inkasta oo uu aabahaa niyad jabay waxaan isku dayey in aan garab istaago oo aan niyada u dhiso waxaanan ku dhiiri-galiyey inuu iska iloobo wixii ku dhacay imikana uu shaqo cusub raadsado.

Hooyo wiilkeygiiyow xiligasi waxaa waddankeena soomaaliland ka socdey ololaha doorashada madaxweynaha waxaana ku tartamayey sadexdan xisbi ee kala ah:
1. Udub (xisbul xaakim)
2. Kulmiye
3. Ucid

Hooyo wiilkeygiiyo sadexdan xisbi waxaa kala hogaamiynayay sadex musharax oo kala ahaa:
1. Daahir Riyale Kahin (madaxweyne)
2. Axmed mohamed mohamoud (tartame)
3. Faysal Cali Xuseen (tartame)

Wiilkeygiiyow shacabkeenu waxay ka cabanayeen xukuumadii xiligaasi xilka haysey oo ay ragaadiyeen musuqmaasuq iyo qaybyaalad. Si ay taasi uga baxana waxayna doormoodeen in xisbiga kulmiye codkooda siyaan sidaasina ay ku heli karaan maamul wanaagsan iyo cadaalad, taasina waxaa cadeyneysa dadkeena dhamaantood waxaad ka maqleysey iyagoo leh UDUB WEY TAGEYSAA EE HA TAHRIIBIN!!!.

Hooyo wiilkeygiiyo anaguna waxaanu la dareen ahayn shacabkeena aabahana waxaa kula taliyey inuu inta doorashada lagu kala guuleysanayo usamro oo marka dawlad cusub la doorto uu shaqo ka raadsado ina hawraarsan iyo gudoon buu igu jawaabey.

Hooyo wiilkeygiiyow sidii la filaayey waxaa doorashadii ku guuleystey xisbigii kulmiye waddankana waxaa Madaxweyne ka noqdey Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Silaanyo) waa midkii loo hanweynaa wuxuu soo dhisey xukuumadiisii shacabkeenu wuxuu filanayey in maanta ay ubilaabantey maamul wanaag iyo cadaalad hooyo anaguna kuwaasi ayaanu ka mid ahayn.

Hooyo wiilkeygiiyo aabaha isaga oo niyadsan ayaa waxaa uu bilaabey inuu shaqo raadsado 6libood ayay ku qaadatey inuu shaqo raadsado markaa uu shaqo imtixaan ugalo ee uu ku guuleysto waxaa booskiisa lagu qoraa qof kale oo reernimo lagu keeney hooyo xukuumadii cusbeyd ee loo han weynaa waxay noqotey mid qabyaalada cadeysatey musmaaquna uu agteeda ka yahay sharaf hooyo shacabkeenii wey amakaageen hooyo anaguna kuwaasi ayaanu ka mid ahayn.

Hooyo wiilkeygiiyow xiligasi adigu 4bilood ayaad uurkeyga ku jirtey hooyo maalin maalmahaasi ka mida ayaa waxaa uu aabaha u dhaqaajiyey safar aanu ii sheegin hooyo maalintii oo dhan aabaha ma soo noqon imana soo wicin markii aan wacayna numberkiisii wuu xidhnaa hooyo gabalkii baa dhacay aniga oo aad u warwarsan habeenkii ok dhan maan seexan waxaan dhageysanaayey goorta uu albaabka soo garaaci doono hooyo sidii ayuu waagu iigu baryey maalintaasi iyo habeenkaasi waxna ma cunin waxna ma cabin!!!!!

Hooyo wiilkeygiiyow muddo 7cisho ah markii aanu raadineyney aabaha waxaa maalintii 8aad la noo sheegey in uu aabahaa tahriibey meel uu ku sugan yahay dhimasho iyo nolol maalintaa ilaa iyo maanta garanaayo iiiiiiiiiiih iiiiiiiiiih.!!!!!.

Hooyo wiilkeygiiyo waxaad ogaataa inuu aabahaa ahaa aqoon yahay sharaf leh hooyo wiilkeygiiyow aabahaa aad buu kuu jeclaa inu arkona waxay ahayd rajada kaliya ee uu nolosha ka lee yahay. Hooyo wiilkeygiiyo dulmiga aabaha ku dhacay kaligiis uun kuma koobneyn ee waxaa jira dad badan oo sidiisa si ka dhib badan loola dhaqmey hooyo wiilkeygiiyo waxaa in aad aabaha weydo usobab ahaa dulmiga loo geystey.

Hooyo wiilkeygiiyo maalintaasi waxaa ka soo wareegey 8 sanadood adiganu wiilkeygiiyow waxaad jirtaa 7 sana iyo 6bilood waxaad dhigataa dugsiga hoose waxaa kaalintii aabaha ku buuxiyey aniga oo hooyadaa ah.

Hooyo waxaan ka warwarayaa in adigana marka aad waxbarashada soo dhameyso shaqada lagugu dulmiyo hooyo waxaan ka cabsi qabaa in aad adna iga tahriibto hooyo
Ileen wali dalkeenii waxaa ka jira dulmigii aabaha lagu sameyey oo kale hooyo wiilkeygiiyow heerka uu maanta dalkeenu maraayo waxaa la gaadhey in boosaskii shaqada reero kala sheegtaan.

Hooyo ilahay ayaa wehelkaaga noqon dhibma arki meysid………
W/Q ENG HABANE

COMMENTS
LINKS