WAJAALE NEWS
Shaqaalaysiinta Dawladda: Aqoon Mise Beelnnimo? W/Q: Cali Cabdi Coomay
March 1, 2018 - Written by Reporter:

Halka beelaha qaarkoodna ay mihiimada siiyaan inay ubadkoodu shaqaystaan oo ay reerka dhaqaale maalinle ah soo geliyaan. Markii la soo saaray liiskii shqaalihii
coomay2(8)nnnnnnnnnnnn

Aadame la aragyaaba dhib la arag.Wasaaradaha iyo hayadaha madaxa bannaan ee ay dawladda Soomaalilaan maamusha waxa ay sannadkii shaqaalaysiiyaan shaqaale badan oo badhkood lagu soo xulo aqoon qaar kalena lagu soo xulo saami beelnimo. Wakhtiyadii ay soo bilaabmatay shaqaale dawladeed oo imtixaan laga qaado, si loo ogaado heerka aqoontooda, ayaa waxa dhacay dood salka ku haysa inay aqoontii ka horimanayso nidaamkaii beelnimo ee ay Soomaalilaan waxa ku qaybsan jirtay. Cafarta, soomaalida, oromada, saaxo, beejo iyo axmaarada waxa ay ka soo wada jeedaan sinjiga ximaatikad, waxa aanay dhaqan u leeyihiin iskaashiga reernnimo iyo qabyaalad cuskan. Qoraaga Brockman , buugiisa la yidhaa “British Somaliland”, wuxuu ku sheegay inuu ku arkay NFD mar uu booqday xoolo-dhaqato Soomaali ah oo nin kastaa awrkiisa wato, oo aanu wax xidhiidhi ahi ka dhaxayn, ka dib wuxuu buugiisaa ku qoray” Somalis are independent in nature and each man is his own Sultan. Oo nuxur ahaan noqonaysa “ Soomaalidu abuur ahaan waa dad kala madax bannaan oo nin kastaa gaarkiisa suldaan u yahay”.

Si aynu hoos ugu biyo-dhacno nuxurka qoraalka waxa aynu soo bandhigaynaa waa labadan doodood:

= Doodda Aqoonta:markii la bilaabay imtixaankii laga qaaday shaqaalaha dawladda ee la soo bandhigay liiskii shaqaalihii imtixaanka ku guulaysay, waxa dhacay inay beelaha qaarkood helaan tirada ugu badan ee shaqaalaha imtixaanka gudbay, halka beelaha qaarkoodna heleen tiro yar ama laga waayey liisaskii dadkii gudbay. Dhaqan ahaan beelaha Soomaalilaan qaarkood waxa ay mihiimada siiyaan waxbarashada ubadkooda, waxa daliil cad u ah dugisyada iyo jaamacadaha ka furan deegaannadooda.

Halka beelaha qaarkoodna ay mihiimada siiyaan inay ubadkoodu shaqaystaan oo ay reerka dhaqaale maalinle ah soo geliyaan. Markii la soo saaray liiskii shqaalihii imtixaanka soo gudbay, waxa dhacay in beelihii waxbarashada mihiimada siinayey ay urursadaan inta badan shaqaalihii, taasina waxa ay keentay in cabasho reernnimo ay bilaabaan beelihii aan mihiimada siin jirin aqoonta. Hadaba waxa ay doodu fadhidaa sidee la isku waafajin karaa aqoonta iyo reernnimada? Jawaabta su’aashu waxa ay u taallaa madaxda xilka haysa.

= Doodda Beelnimada:dhaqan ahaan Soomaalida ku dhaqan geeska afrika oo ay Soomaalilaan ka mid tahay, waxa ay wax ku qaybsan jireen beelnimo. Waxa ay halhays u lahaayeen odhaahda Soomaaliga ah ee “Tolkaa iyo kabtaada dhexdaa lagaga jiraa”. Markii loo soo guuray magaalooyinka dhaqankii beelnimo waxba iskamay beddelin, maanta hadaad eegto magaalooyinka Soomaalilaan reer kastaa wuxuu degan yahay xaafad gaar ah, waana sidii loo deganaa miyiga. Wakhtiyadii uu Ingiriisku yimid Soomaalilaan ka hore wuxuu soo diray sahamiyeyaal saancadaale ah oo warbixin ka keena hab-dhaqanka shacabka Soomaalilaan.

Waxa aanay u sheegeen inay nidaam beelnnimo u dhaqan yihiin, oo ay beelo beelo isku hayaan. Sidii ayuu Ingiriisku ku saleeyey xukunkiisii.Nin hirarka badda ku hatay ayaa loo gurmaday, markii la samatabixiyey ee xeebta la keenay waxa lagu yidhi, ka waran badda iyo dadaalka dadkii ku badbaadiyey. Wuxuu ku jawaabay, biyaha baddu waa dhanaan, balse ragii ii soo gurmaday ee soo dabaashay, ninba intuu ii jiray ayuu ii soo jirsaday. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.

Maamuladii dawladaha hoose ee Ingiriisku dhisay wuxuu ku salayn jiray hadba beelaha goobta wada degan.Marka la qiimeeyo hiddaha dhaqanka soomaalida Beel kasta iyadaa isla tiro badan, isla gobsan, isla geesisan, isla caqli badan. Dhaqanka Soomaalida Beel kastaa waa maamul madax bannaan, ugaasku waa madaxweyne, nabaddoonnadu waa wasiiro, culimada waa garsoorayaal, gaashaan qaadku waa ciidan milatari, haweenku waa hayada wax soo saarka. Nidaamkaa soo jireenka ah ayaa caqabad weyn ku ah aqoonta casrigan dunidu ku tallaabsatay.

Aynu dib ugu noqono mowduucii qoraalkee, shaqaalihii ku dhacay imtixaankii ay dawladu ka qaaday waxa ay markiiba dhexgaleen beelahoodii, iyaga oo ku doodaya reer hebel ayaa helay imtixaankii, oo beesheennu waxba kuma laha. Odayaashii beelaha horkacayey ayaa dood ka bilaabay xafiisyadii wasiirrada ay ka shaqaynayeen , iyaga oo ku doodaya in beeshoodu aanay waxba ku lahayn wasaaradda oo la soo celiyo saamigii ay beeshu ku lahayd wasaaradda. Bal labadaa doodood is-waafaji.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews