Heshiiskii DPWorld 1/3/2017 La Gashay JSL Waxaa Ka Soo Wareegtay Sanad Ee Maxaa Ka Qabsoomay? W/Q: Cabdirahman fidhinle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiskii DPWorld 1/3/2017 La Gashay JSL Waxaa Ka Soo Wareegtay Sanad Ee Maxaa Ka Qabsoomay? W/Q: Cabdirahman fidhinle
March 1, 2018 - Written by Reporter:

Heshiiska DPWorld iyo Somaliland wadagaleen taariikhdii 9/5/20016 ayaa laysku wada raacay in uu ahaa heshiis lagu deg-degay oo xaqul qalin yar la siistay. Heshiiskaas oo lagu heshiiyey in Shirkada DPWorld Dekeda Berbera ku maalgeliso lacag dhan $430 million dollar mudo 30 sanadood ah iyada oo ka fuudhyeelaysa dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Wajaale iyo Berbera. Heshiiskaa ayaa hada qarka u saran in uu burburo maadaama ay shirkada DPWorld  ay diidan tahay in ay dhamaan tunka uridato dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha wadada Berbera corridor oo lagu qiyaasay lacag dhan $240 million.

 

Shirkada DPWorld waxaa Dekeda Berbera lagu wareejiyey taariikhdii 1/03/2017 taa soo ilaa iyo maanta aanay ka qaban hawl muuqata oo la taaban karo oo maalgelin lagu tilmaami karo. Hadaba su’aasha qarnigu waxay tahay maxay shirkadu ka qabatay Dekeda Berbera mudadaa sanadka ah ee ay maamulaysay Marsada berbera?   Jawaabta oo koobani waa waxba. !! ee Xaalku wuxuu iska ahaa ”  Aan ka Fuudee Allow Fii haa ”  !!

Shirkada DPWorld waxay ku fashilantay dhamaan qalabeyntii iyo horumarintii Dekeda Berbera waxaana aad hoos ugu dhacay intii ay maamulka Dekeda hagaysay bedeecadii iman jirtay iyo heerkii hawl gudashada adeega bulshada ee Dekeda, Waxaana dekeda ka dhacay mudadii ay DPW dekeda maamuleysay khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxaa isku duqeeyey maraakiib Dekeda dhexdeeda, waxaa dab qabsaday Dekeda iyo Maraakiib ku xidhan, waxaana ku dhintay barxada Dekeda laba shaqaale, waxaana ku dhaawacmay shaqaale badan oo aan xaq la siin.Waxaa iyana shaqadoodii iyo xuquuqdoodiiba ku waayey shaqaale tiro badan oo mudo dheer Dekeda ka xoogsan jiray.

Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedaha dayacan ee qaaradaha aduunka ku filiqsan  ka soo bilow Brazil ilaa iyo Shiinaha, laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani ka raacday Dekado badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda  Daaroole ee Jabuuti ,Dekeda Sinigaal,Dekeda Lubnaan iyo Dekeda Cadan ku waas oo ay dhamaan maxkamado  caalami ah isla galeen oo lagaga guuleysatay dacwadii  shirkada DPW.

 

Shirkada DPWorld  waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la galaan waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada iyada isticmaalaysa mar kasta xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayn karto sida ay Jabouti ku samaysay hadana ay damacsan tahay in ay Somaliland ku sameyso. Bal ka warama durba lacagtii $240 million ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa $80 million dollar oo keliya?  Bal ka warama iyada oo aan Somaliland weli u dhisin Dekedii 40 ka mitir aheyd iyo Airportkii madaniga ahaa ayey iska dhisteen dhismaha  Dekad Ciidan iyo Airportkii Saldhiga Ciidamada intay sidii lagu yaqaanay ay gacmaha is dhaafsadeen xubno shidhka ugu jiray heshiiska  waqtigii dawladii Siilaanyo ay sii dhacaysay ee ay danta guud iyo duunyadaba carabka sii marinayeen.

 

Heshiiska Somaliland la gashay shirkada DPWorld wuxuu ahaa heshiis aan laga fiirsan oo shaqsiyo aan la mahadin oo  gaar ahi ku macaasheen kuna taajireen.Wuxuu ahaa heshiis meel ka dhac ku ah qaranimada iyo qowmiyada Somaliland  sidaa daraadeed waa in Xukuumada cusubi dib u sax buuxa ku sameysaa qalalaadkaa faraha badan ee ku gedaaman heshiiskaas.

Madaama aan sife sharci ah markii horeba loo soo marin ansixinta heshiiskan ee la wada ogaa in lacag laaluush ah oo gaadhaysa $10 kun oo doolar loo laabay Xil-madhibeyaashii tirada badnaa ee ansixiyey heshiiskaas iminka iyo haatana ay Xukuumada cusubi ka qaylisay kana dhawaajisay in weli heshiiskaa uu mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay, waxaa Xukuumada cusub looga fadhiyaa in ay Laasho ama hakiso mashruucaa ama ay ummadda u soo bandhigto mudo cayiman ( time line ) taa soo  ay Shirkada DPW mashaariicda  maalgelinta heshiiskaa ku qoran ay ku bilaabayso kuna dhameynayso.

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

 

COMMENTS
LINKS