Mad madowga Ku Gedaaman Heshiiska Sadex Geesoodka Ah Ee Dekeda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mad madowga Ku Gedaaman Heshiiska Sadex Geesoodka Ah Ee Dekeda Berbera.
March 2, 2018 - Written by Editor:

Runtii waa Muhiim in Heshiis Maalgashi Dalkeenu Helo Waana Mid Aad loogu Baahi qabo oo wax tar wayn u leh dalka iyo umada ku dhaqanba. Lakiin nidaamka heshiiska loo galay ayaa ah midi run ahaanti shaki badan dhaliyay markaad eegto, waxaana muuqata in umada wax yaabo badan xukumadu ka Qarinayso oo inta Taagteeda iyo Tamarteeda ahba ku dadaashay inaaney dibada usoo wada bixin iyadoo Musuq badanina ku ladhan yahay.

Markaad Eegto Meeqaamka iyo Halka heshiiska lagu kala saxeexanaayo run ahaantii Waxaad Dareemi kartaa hadii aad ku Eegto caqli iyo fiiro  Caafimaad qabta in heshiiska Sidan u balaadhani aanu helin ‘ platform ‘ kii munaasib ka ku ahaa Kow.

Laba hadii aad u fiirsato video ga waxaa iyana aad Arkaysaa in Maareeyaha Dekedaha Somaliland aanu haba yaraatee waxba sexeexayn oo uu qalinka dul hayo kaliyaata isagoo jaleecaaya Ninka Dp world haysta Ee kaliya meesha Sawir uun lagula galay.

Sadex, iyana Waxaad ka dheehan kartaa isla video Gaas markaad eegto habka uu u fadhiyo Wasiirka Sacad Cali Shire oo Muujinayso Amaba Tilmaamayaan ‘ Physical and facial expressions ‘ kiisu in goobtan iyada ah kaliyaata goob jooge ka yahay.

Afar, Madaxa Dp world marka uu hadlaayo isagoo macnaynaaya Ahmiyada heshiiskani leeyahay waxuu aad u Xusayaa ahmiyada heshiis Kani u leeyahay dalka Ethiopia oo ah Dal 110 Malyan oo Qofi ku nooshahay Isla Markaana kobaciisa dhaqaale yahay mid si Xawliya u kobcaaya muhiimna u tahay dekeda Berbera iyo ta Djibouti isagoo raaciyay inuu aad ugu faraxsanyahay talaabadan taariikhiga ah ee heshiiskan.

Hadaba waxaa marka ay kala saxeexdaan Heshiiska aad maqlaysaa sawaxan badan iyo buuq amaba dad kor u hadlaya arintaaso kuu muujinaysa nidaam xumida iyo ‘protocol ‘ la’aanta masuuliyiinta Somaliland metelaayay ee Xukumada ka socday kuna sugnaa goobtan iyada ah. Masuulka maamula shirkada Dp world ayaad Arkaysaa isagoo hadal kiisii sii wata oo nidaam xumi Awgeed Sawaxanka iyo Buuqa ka  jira uu gaadhayo heer sida caruurta inuu aamusiiyo. Waxaa kaloo iyana bartaa aad ka dheehan kartaa sida uu u agaasimaayo Hawshan taaso aay kuu muuqanayso in Xukumada Somaliland Gacanta ugu jirto sida uu u Dirawalinaayo markaad eegto. Waxaa kaloo iyana aad ka dheehan kartaa goobtaas tirada Dadka Joogaa inta aay leeg tahay iyadoo Aanay cidi Inagu Wehelin.

Waxaan Qoraal kaygan aan kusoo gunaanadayaa heshiis kan la gaadhay Meeye Garyaqaanadii Caalamiga ahaa ee ay Xukumadu Inoo sheegtay inay kiraysteen si aay uga caawiyaan Shuruucda Heshiisyada Maalgashiyada caalamiga ah? Miyaanay Ahayn inay goobta joogaan? Arimaha dhinaca sharciga in kastoonan aqoon badan aanan u lahayn waxaan rajaynayaa in dadka khibrada u lihi i sixi Doonaan inay Su’aalahan la Xidhiidhi sax Yihiin iyo Inaanay Ahayn.

 

Qalinkii; Aadan Deeq

COMMENTS
LINKS