WAJAALE NEWS
Saamiga 19% Waxa Uu Ku Yimid Siyaasada Ganacsi Ee Itoobiya Ay Mandaqada Ka Ciyaarto…W/Q Maxamed Hagi
March 2, 2018 - Written by Editor:

SAAMIGA 19% WAXA UU KU YIMI SIYAASADDA GANACSI EE ITOOBIYA AY MANDAQADDA KA CIYAARTO EE LOO YAQAAN ‘’BARGAINING CHIP’’ OO WEHESHANEYSA SHAXDA GANACSI EE SOMALILAND AY LA TIMI EE LOO YAQAAN ‘’EQUITY DEAL’’.

Inkasta oo heshiiska saamilayda ah ee maalgalinta dekedda Berbera aannu ahayn mid shalayto curtay – haddana in badani waxa ay su’aal ka keentay sida ay Itoobiya ku heshay saamiga 19% ah ee maalgalinta Berbera. Dadka sida tan u fekerayaa waxa ay ku doodayaan; Itoobiya badda ma leh, $442 milyan ee maalgalinta ahna ma leh, bilowgii heshiiskana qayb kama ay ahayn ee maxaa hadda keenay in hal mar saami intan le’eg ay la sare kacdo?

maxamed case

Isweyddiinta su’aalaha kan labo ammuurood ayaa keenay aniga aragtidayda; tan hore waa in dadka Soomaalida ahi meel wal oo ay joogaan shaki badan ka qabaan Itoobiya. Abwaan, sheekh iyo qof qalin Soomaali wax ugu qaraa wax uu ku yeedhaamo ayaa jira oo aannu caddayn badan na u hayn! Waa in ay Itoobiya qabsan karto Soomaalida oo ay dhulkooda si fudud u la wareegi karto. Arrintani si wal oo siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha mandaqadda loo gu suureeyo ma aha mid suuro-gal noqon karta.

Yeelkeed, in badan oo Soomaali ah odhaahda tan dhegta ayaa loo gu riday. Sida ay tahay in loo ga masaxaana ma aha si fudud – oo wadaad iyo waran leh hawshaa qayb weyn ayey ka qaateen. Sidoo kale dawladaha Carabta – gaar ahaan Masar ayaa aad u ga hawl gashay tan iyo 1964 ilaa iyo maanta – aakhirkiina maskaxda Soomaalida xoolo dhaqatada ah aad ayey ugu duxday oo waa ay ku xarkaktay.

Arrinta labaad waa in Somaliland aaney si sax ah u soo bandhigin marnaba heshiiska ay DP World la gashay nuqulkiisa saxda ah. In aad loo ga shaki qabo in laaluush iyo musuq badani ku jiray habka heshiiska loo bixiyey ka dib markii ay aad ugu tartameen shariikadaha Balore oo Faransiis ah iyo DP World oo Imaaraadka la ga leeyahay oo labaduba aad u daneynayey maalgashiga Berbera.

Ammuurtan danbe waa mid maangal ah oo aniga qudhaydu aan aad u la qabo dadka sida weyn u ga biyo diiddan in heshiiska saxda ah la soo bandhigi kari waayo. Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland ee Kulmiye ku andacooneyso in heshiisku aannu qarsoodi ku ahayn xafiisyada sharciga ee caalamka.

Isla markaana la gu heshiisyey heshiiska ganacsiga iyo maalgashiga ee sharciga Ingiriiska (The International Governing Law of Business Transactions World Wide) ee loo yaqaan ‘’English Law’’. Sababta se keentay in aan Somaliland loo soo bandhigini ay tahay cadowga Somaliland oo aad u faro badan awgii.

Yeelkeed, aan u galno sababta keentay in Itoobiya ay hesho saami 19% ah oo in badan oo waddankooda jeceli ay ka murugaysan yihiin – la na anfariirsan yihiin waxa xigi kara.

Itoobiya waa dal bilaa bad ah, dhaqaalihiisu aad u kobcayo, dadkiisuna ay aad u tiro badan yihiin. Waa dal aad wax u dhoofiya, leh maraakiib badan oo uu wax ku daabusho, suuqa adduunyadana meel weyn ku leh. Jabuuti waxa ay maalgashiga ku heshay waa in ay la jaar tahay Itoobiya. Somaliland iyana waa la mid oo xiisaha gaarka ahi waa tirada dad ee Itoobiya ee u baahan wax ay la soo degaan iyo xoogga waxsoosaar ee ay dhoofiso.

Sidaa oo ay tahay, haddana Itoobiya oo bilaa bad ahi go’doon kuma jirto. Waxa ay la jaar tahay Kenya oo bad leh masaafo ahaan na u jirta 1,821.9 km. Inkasta oo aaney wakhtiga kan heshiis ahayn waxa ay la jaar tahay Eritrea oo bad leh, masaafo ahaan na u jirta 878.8 km. Waxa ay la jaar tahay Sudan oo bad leh, masaafo ahaan na u jirta 1,842.2 km. Waxa ay la jaar tahay Soomaaliya oo bado badan leh, masaafo ahaan na u jirta 1,676.2 km. Ugu danbeyn, waxa ay la jaar tahay Somaliland oo ay masaafo ahaan baddeeda u jirto 916.0 km.

Itoobiya waxa ay haysataa bado ku xeersan oo dhammaantood dalal faqri ahi leeyihiin. Marka la ga reebo Eritrea oo ay wakhtigan is hayaan – inkasta oo ay xilli walba heshiin karaan – dhammaan dalalka kale mid aan Itoobiya kala hadal in uu la diyaar yahay baddiisa in ay wax kala soo degto kana dhoofiso ma jiro. Wakhtigan Jabuuti oo ah tan ugu dhaw, ayey Itoobiya kala soo degtaa, kana dhoofisaa 96%. Jabuuti, waxa ay cashuurta 45% ka dhintay Itoobiya 2017. Cashuur dhimistani waxa ay ku soo begantay markii ay ogaatay in Berberi culays tahay.

Waxa kale oo Jabuuti u dhammaystiran gabi ahaan adeeggii dekedi ay lahayd iyo agabkii adeegga fulinayey (waddo baabuur iyo jid tareen). Suuqa ay Somaliland dekeddeeda Berberi ku hirdameysaa waa kaa walaalayaal. Marka ay noqoto dhanka amniga Jabuuti waa dal amniga dhulkiisa ay dammaanad qaadeen Faransiis, waxa kale oo kaalmeeyey Maraykan, Jarmal, Jabaaniis, Sucuudi iyo Shiinaha oo hadda ku soo wajahan – kana dhisanaya saldhiggii abid ugu weynaa ee dunida saddexaad la ga dhiso. Ma jiro dal Somaliland amnigiisa dammaanad qaaday – ku darso oo la ma na aqoonsana!

Xaal marka uu sidaa yahay – Somaliland maxaa la gudboon, ileen in dhaqaalaheennu uu koro, nolosha dadkeennu hagaagto, adduunyada masaalax ku yeelanno oo aynnu mandaqadda wax ka qabsanno waa u la ga ma maarmaan eh? Sidee se ay ku suuro-gali kartaa in aad Itoobiya oo haysata intaas oo dekedood, Jabuutina ay 45% cashuur dhaaf ah u sameysay markii DP World ay Berbera timi – in aad ku qanciso in ay dekeddaada timaaddo oo ay xajmi weyn oo dhaqaale ahaan ku anfaca ay kala soo degto?

Saw ma aha in aad turub siyaasadeed oo xirfad badan aad ciyaarto? Mise waa in aad kuududsataa oo aad Allahaa sugtaa adiga oo gamcaha iyo lugaha isku seetaynaya? Si aaney sida tani u dhicin Somaliland feker ayey la timi waana kan saamiga 19% ahi ku yimi si ay u la tartanto dhammaan dekedaha hungurigu ka hayo in ay Itoobiya saamigeeda ugu weyn ay dekedaheeda kala soo degto kana dhoofisato. Somaliland, waxa ay arrintan darteed u ga tanaasushay 5% saamigeedii hore ee ahaa 35% halka ay DP World iyana u ga tanaasushay 14% saamigeedii hore ee ahaa 65%.

Ciyaarta ay Somaliland ciyaartay waxa la yidhaa ‘’Equity Deal’’ waana in saamigaasi noqdo dabinka Itoobiya la gu soo xero galin karo. Itoobiya qudheedu ma ay yareysan ee Somaliland iyaba waxa ay u isticmaashay waxa loo yaqaan ‘’Bargaining Chip’’ oo ah maxaad ii haysaan ee aan ku doorsadaa dekedahaa kale?

Haddii ay Somaliland fekeri lahayd – maanta fekerka ay fekertay waa mid sax ah oo dani keentay ah. Cid wal oo sidaa yeeshayna anigu in aan ku ammaano ma ogiye kuma aan dhaliileen. Dhanka kale saamiga 19% ahi qiimo weyn ugu ma fadhiyo Somaliland – waayo weligeed dadkeedu ma ay dheefsan adeegga dekedda ka soo baxa ee 19% iyo 51% la ga kala siiyey Itoobiya iyo DP World. Cashuurta dhoofinta iyo alaab kala soo degista dekeddu waa halkeedii – waxana 100% iska leh Somaliland.

Waxa aan filnaa waa dekedda oo la ballaadhiyo, jidka oo la dhiso, Berbera oo kobocda oo qayrkeed hiigsata iyo Somaliland oo si weyn u macaashta qaddiyaddeeda siyaasiga ahina mac iyo muc u yeelato caalamka intiisa kale. Dadkayga waxa aan ka codsanayaa in aaney noqon war-xumo tashiil keliya e, ay noqdaan kuwa ku farxa waxa u soo kordha. Dadkaygu waa ay ka baqaan isbeddelka iyo waxa cusub – laakiin guusha waxa curiyaa waa hal-abuur wax cusub iyo ku dhac la la yimaaddo. Jimce Wanaagsan.

QALINKII; Mohamed Hagi Mohamoud

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews