Qaranimadii Somaliland Oo Lagu Soo Duulay,,,, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaranimadii Somaliland Oo Lagu Soo Duulay,,,,
March 2, 2018 - Written by Editor:

Hadalhaynta Heshiiska Maalgashiga Dawlada Somaliland Iyo Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa si weey looga faaloonayaa Maalmahan Udanbeeyay waxaana Arintan  Soo Cusboonaatay ka dib markii Todobaadkii hore Dawlada Jabuuti  Wasiirkooda Arimaha, Dakadaha uu Warbaahinta u sheegay in dalkiisa iyo Shirkada DP world oo maalgashi ka samaysay dalkooda ay is afgarad la,aan ka dhex jiro, kaas oo salka ku haya heshiiskii hore loo wada galay oo dawlada

Jabuutu saluug ka muujisay isla markaana dalbatay in wax laga bedelo,iyadoo shirkada Dp World ay  ka dhega adaygeen sida wasiirka dakadahu ku waramayo. Waxa kale oo uu sheegayin ay ka baxeen axdigaasi, dakadiina imika ay iyagu maamulkeeda gacanta ku hayaan.

Waxaa Iyana yaab leh in Raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre sheego in aan heshiiska Dp World ee ay dawlada Somaliland wada galeen aan waxba lagala tashan, waxbana lagala socodsiin iyaga Somaliya ahaan isagoo mawqifka xukuumadiisa ku sheegay, war ka soo baxay wasaaradooda dakadaha kaas oo sheegaya in waxii heshiis walba oo la gelayo oo masiiri ah oo ku saabsan deked bad, khayraad, dalka meelwalba ay u igmantahay dawlada uu ka tirsanyahay ee fadaraalka Somaliya sida hadalka uu u dhigay.

Somaliland oo 5 sibtember 2016 Shirkada Dp World ay kala sexeexdeen heshiis maalgashi ayuu heshiiskoodani ahaa mid loo maray hanaan sharci oo baarlamaanku ansaxiyay

Mustafe dheereeye

Iyadoo guud ahaan dawlada Somalilnd ay wadankeeda si buuxda gacanta ugu haysato waana dal dadkiisu u codeeyeen aftidii laga qaaday bishii May 31, 2001 taas oo ay ku xaqiijiyeen 97.5% wax ka sareeyaa in dastuurka si madax banani ah loogu dhaqmo

wadanka Somaliland waa dal buuxiyay shuruudaha caalamiga ah waxaanu heshiisyo fiican la leeyahay wadamada jaarka, iyo beesha caalmaka waa dal ay ka qabsoomeen doorashooyin aan noocooda wadamada Afrika iyo aduunka qaar ka mid ahi aany wali gaadhin. Somaliland waxa ka jira golayaasha sharci dajinta, fulinta, iyo garsoorka oo ay ka dhexeeyaan isla xisaabtan iyo wada shaqayn.

Warbaahinta maraykanka ee VOA iyo BBC ayay dadka qaar u arkaan in aan warar is leeg la baahin labadan dal ee kala go,ay sababtaasina ay tahay in shaqalaha idaacadahani u xagliyaan dhinaca  Soomaliya ama koonfurta, halka ay Somaliland ay ahayd meelahii Afrika idaacada BBC laga yagleelay iyado shaqaalihii xiliyadaasi ku can baxeen, warar iyo faalooyin dhexdhex  ah oo xaqiiqda ku qotoma kuwas oo raali galin jiray dadka afka somaliga ku hadla

Ugudanbayntii qormadan waxay ku baraarujinaysaa muwaadiniinta, Aqoonyahanka, Ardayda Jaamacadaha iyo Saxafiyiinta iyo dhamaan cida ku Abtirsata Qaranka Somaliland ee la Mahadiyay in ay Difaacdaan oo dood iyo Qoraalo, cadaymo xambaarsan, la yimaadaan si aan hadh loo saarin Taariikhdooda xariirta ah ee Dadka qaar Xajiimaynayaa.

Wa bilaahi towfiiq

Mustafe Maxamed Nuur

Mustafe Dheereeye

COMMENTS
LINKS