Saynisyahano Ka Digay Baraf Ka Da’a Todobaadkan UK, Iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Doono Horyaalka Premier League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saynisyahano Ka Digay Baraf Ka Da’a Todobaadkan UK, Iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Doono Horyaalka Premier League
March 3, 2018 - Written by Reporter:

Cimillo loo bixiyey ‘The Beast from the East’ ayaa ku dhufatay guud ahaan qaarada Yurub iyada la timi heer qabow aad u hooseeya taas oo dhibaato u geysatay nolosha qof walba.

Kubadda cagta kama suurtagasho in lagu ciyaaro xaaladaas markaa waa halis in ay carqaladeyso maadama kulamada dhamaan heerarkooda kala duwan dib loogu dhigi karo wakhti kale.

 

Posh

Jadwalka caadiga ah hore ayuuba saameynteeda u dareemay guud ahaan qaarada iyo Britain laakiin cimilada waxaa la filayaa in ay sii xumaato maalmaha fooda nagu soo haya.

Sida laga soo xiganaayo Met Office, cimiladan qabowga aadka u hooseeya wadata waxaa la saadaaliyey in ay socon doonto ilaa iyo sabtida iyo axada dambe. Taas caqliyan waxa ay ka dhigan tahay in kulamo tiro badan oo UK ka dhici lahaa in ay saameyso.

Ciyaartii Premier League ee ay khamiistii isaga horyimaadeen Arsenal iyo Manhester City saameyn kuma yeelan cimilada.

Kulamada intooda kale waxa ay qabsoomi doonaan sabtida iyo axada markaa kooxaha qeybta ka ah oo ay ka mid yihiin Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Man City waxa ay rajeynayaan in cimilada xun dhaafto.

Machester United ilaa iyo isniinta ma ciyaareyso markaa saadaasha cimilada sida ay dhigeyso dib looma dhigi doono kulankeeda.

Lix Kulan oo horyaalka Premier League ah ayaa maanta qabsoomay.

Kulankii ay Coppa Italia wada ciyaari lahaayeen Juventus iyo Atalanta waxaa la baajiyey daqiiqadii ugu dambeysay kadib markii baraf cul culus ku soo da’ay magaalada Turin axadii.

UK, lix ciyaarood oo Scotland horyaaladeeda ah sida ,midka heerka labaad waa la baajiyey Salaasadii cimilada daraadeed laakiin kulamada horyaalka heerka kowaad waa la ciyaaray.

Sikastaba, kulamadii horyaalka heerka kowaad ee arbacadii o ay ku jirtay Celtic Vs Dundee wuu baaqday. Sidoo kale sideed ciyaarood oo kale ayaan la cayaarin oo baaqday jimcihii iyo sabtidii.

Lix kulan oo ka mid ah horyaalada hoose ee England ayaa iyagana baaqday Salaasadii iyada oo guud ahaan jadwalka wakhtigaas ku sigtay in dib loo dhigo cimilada daraadeed.

Kulankii Peterborough United iyo  Walsall intii ay socotay waxaa Baajin gaadhay baraf saa’id ahaa.

Laakiin ciyaartooyda Peterborough ayaa ka saaciday shaqaalaha garoonka in ay nadiifiyaan garoonka gaar ahaan xerada ganaaxa taas oo sababtay in ciyaarta sii socoto kadibna ku badiyaan 2-1.

 

COMMENTS
LINKS