Maamulka Jaamacadda Hargeysa, Haka Warbixiyo Buugii Qalin-Jabinta Ee Ardayda“ Student Graduation Book “? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Jaamacadda Hargeysa, Haka Warbixiyo Buugii Qalin-Jabinta Ee Ardayda“ Student Graduation Book “?
March 3, 2018 - Written by Editor:

Anaga oo ah Ardaydii ka qalin-jabisey Jaamacadda Hargeysa “ UOH “ sanadkii ina dhaafay, 20- sep-2017, isla-markaana dhamayn ku dhawaad 1200 oo arday, waxaan halkan maamulka Jaamacadda Hargeysa ugu soo gudbinaynaa fariintayadan, una dhigan sida tan Soo socota.

Waxaan wada ogsoonayn dhamaanteen Arday ahaan iyo Maamul ahaanba, in Qadarkii lacageed Ee dhamaa “ 15$ “ ee Aad u qoondayseen Daabacaada buuga qalin-jabinta Ee Arday walba u ahaa mid lagama maarmaan ah “ Compulsory “  Ardayduna Bixiso, Isla-markaana Qofkii Bixinin Aanu ka qayb-galayn Xafladii qalin-jabinta jaamacadda, maadaama lacagta buuga aad ku darteen, nidaamkii aad ugu magac-darteen “ Clearance of the student “, taasi oo ardaygaan dhamaystirini aan loo ogolayn inuu ka qayb galo Xafladii qalinjabinta.

qalinjebinta-dufcadii-14aad-ee-jaamacadda-hargeysa

Buugaasi isaga ah, siday Jaamacadda iyo Maamulkeedu nagula balameen bixintiisu waxay ahayd maalinta qalin-jabinta, oo ku beegnayd 20-sep-2017, se may fulin arintaasi idinka oo sheegay in la waayay qaar kamid ah sawiradii aad ku dhex qaadeen Jaamacadda dhexdeeda, taasi oo iyana ah Masuuliyad daro dhankiina ka timi siday doontaba ha u dhacdee.

Mar labaad ayaanu hadana dib idiinku soo gudbinay sawiro danbe, si loo helo buugii, haseyeeshe ilaa hada marnaba idin kamaanu helin wax warbixin ah oo ku saabsan arimihii buuga iyo halka ay wax marayaan labadaba, iyada oo aanu xitaa la xidhiidhnay maamulka Jaamacadda, gaar ahaan masuuliyiinta xafiiska arimaha ardayda “ student affairs officers “ oo aanan wax jawaaba ka helin iyagana.

Hadaba, Maanta waxa laga jooga, Xafladii qalin-jabinta ardayda muddo dhan shan bilood iyo saddex iyo toban cisho “ 5 bilood iyo 13 cisho “, ahna muddo ku filnayd, kana badnayd in lagu soo saaro buuga qalin-jabinta ardayda.

Xaasha’e, ma hilmaansanin Jaamacadayadii aanu ka aflaxnay iyo barayaashii qiimaha iyo qaayaha mudnaa, cambaarayn iyo ceebayna nagama aha, haseyeeshe waa midh aanu daw iyo jid ugu lahayn maamulkii Jaamacadda Hargeysa, isla-markaana shaki iyo shuush saar u noqon doonta kumaneeyo arday oo dareeno kala duwan ka qaba halka uu ku danbeeyay buugii qalin-jabinta ardayda ee sanadkii 2017ka.

 

Xubin kamid ah ardaydii Ka qalin-jabisay Jaamacadda Hargeysa “ 2017 Batch “

Xaqsoorlf@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS