Madaxda-yadii beenta badnaa iyo shacabkii samirka badnaa W/Q.Ugaas Cumar Jamac Iidle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda-yadii beenta badnaa iyo shacabkii samirka badnaa W/Q.Ugaas Cumar Jamac Iidle
March 4, 2018 - Written by Wariye:

Madaxda-yadii beenta badnaa iyo shacabkii samirka badnaa. labo kalo maan ah.akhristoow bal ila fiirso wax yar oo kamid boqolaal hagar-daamo oo madaxdeenu inoo maleegen marar badan. Bal ila milicso sidii loo marin habaabiyay bulshada markii la ansixiyay heshiiska DP world ilaa iyo manta.

Somaliland madax-deedu waxay inta badan shacabka u sheegaan warar qarsoon oo la huuriyay. kuswaas oo aan inta badan shacabka loo faafaahin.  Tiro-ba dhawr jeer ayaay warar huursanaa oo ku saabsan heshiiska Dp world iyo siro badan oo shacabka somalailand ka qarsonaa ay qarxeen.

Hadaba fashilka ka muuqda heshiisk ay Somaliland la gashay shirkadan.waxa uu dhawr jeer soo if-baxay kadib markii ay wasiiradi hore ee madaxwayne siilanyo. ay isku khilafeen qaab-ka ama nooca loo galay heshiiskan. markii ay barlamanka mariyeen sanadkii hore ee 2017-kii.waxaa hadalo is khilaafsan oo ku saabsan nooca heshiiska ka dhawajiyay wasiiradii sharxaada ka bixinayay. nooca heshiiska ee ay la galeen shirkada. Heshiisku aakhirkii watii la an sixiyay oo cod aqlabiyad ah lagu galbiayay.74-xildhiban oo golaha fadhiyay.69-kamid ah ayaa si xarago leh ku maquuniyay oo meel mariyay heshiiska. iyagoo aan aaminsanahay “waa xildhibanadee” inanay waxa badhitaan ah ama wax xog ah. ka haysanin heshiiska. marka laga reebo wixii loola yimid.

Markale oo wasiiro xukumada kamid ahi ay ka soo guryo noq-deen dalka imaraadka carabta. Hadalo is khilaafsan ayay jeediyeen wasiiradas  uu kamid ahaa Dr. sacad cali shire ayaa-ba si gaar ah uga hadlay heshiiska. taas oo keentay waswaas badan oo laga qaaday heshiiska.

Wax-yaabaha layaab-ka leh ee beenoobay” heshiiskana ku jiray” waxaa kamid ahaa in maal-galini ay  ku lamaatahay heshiiska” waxaana ka dhexmuuqtay shirkad la yidhaahdo (Somaliland investment company).taas oo markii hore lagu sheegay shirkad UAE ah. oo maal-galinaysa Somaliland lkn markii danbe la sheegay inay leeyihiin baashe cawil iyo wasiir sacad. taas oo aan u arko inay tahay khiyaamo qaran. Waxayna u muuqtaa been abuur iyo marin habaabin lagu sameeyay shacab-ka Somaliland.

Arinta khiyaamada ku saabsan ee saamiyada ay kala leeyihiin dhinacyada lagu xusay heshiiskii ugu danbeeyay.oo sedex geesood ahaa.

Heshiiskii hore waxaa lagu sheegay in saamiga Dp world uu yahay 65% halka Somaliland ay ka heshay 35%. Saamiga oo markii hore aad loo saluugay xaga Somaliland, ayaa hadana la sheegay in itoobiya ay saami ku leedahay heshiiska madaxdii Somaliland ee wakhtiga heshiiska ku jiray oo uu kamid yahay wasiir sacad waxay shegeen in itoobiya ay saami ka iibstay Dp world oo aan saamiga somaliland aanu wax saamayn ah ku lahayn. waxay dawaladu sheeg-tay in 65% ay saami ahaan u leedahay Db world oo ay itoobiya qayb ka iibisay  “waayahay” maxaa ka danbeeyay. xukumdan cusub ayaa heshiis sedex geesood ah ku saxeexday dubai. heshiiska waxa si siman u wada saxeexay sadex dhinac ah .Dp world,itobiya.somalilnd.

Saamiyada la kala helay waa kuwan.

Dp world. 51%  -itobiya. 19%  Somaliland 30% halkaas wax kaaga muuq-da inanay jirin haba-yaratee saami ay shirakadu iibisay. ee heshiiska sedex dhinac oo simani ay wada galeen “waayahay. Hada ma ila aragtaa beenta madaxdeena. Waayahay” waxa halkaa ka muuqda in Somaliland 5% ay ku lumisay. Oo saamigeeni hore waxa ka maqan saami ah 5-.  halka Dp wold uu ka maqanyahay 14- heshiiskii hore. sidaas ayaa gacan sedexaad ugu jirtay markii hore-ba lkn waxaa been loo sheegayay oo la marin habaabinayay bulshada Somaliland oo been lagu maaweelinaayay.

Heshiiska waxa kamid ah dhisida jidka u dheexaya Somaliland iyo itoobiya si shixnadaha itoobiya uga soo dagaya dekada berbera. halkaas ay uga gudbaan.waana faa’idadii ugu waynayd ee  ku luxdanayd heshiiska. warar baryahan soo baxayay ayaa sheegaya in ay Dp world ay ka cudur daartay inay wada bixiso dhaqaalaha ku baxaya jidkaas .taas oo sababtay in uu hargaysa yimaado  maamulaha shirkada Mr.sultan Ahmed Bin Sulayem kulankaas isaga iyo madaxwaynaha dhexmaray waxa qayb ka ahaa in laga wada hadlo isbadalkaa ku yimi heshiiska dhinaca jidka isku xidhi lahaa itobiya iyo Somaliland. Aniga halkaas waxa iiga baxay. inaanay markii hore-ba aanay shirkadu wada balan-qaadin inay wada bixiso dhaqaalaha ku baxaaya wadada ee ay qayb balan qaaday. Waayo” ma fududa inay shirkad caalami ahi si fudud uga baxdo heshiis ay hore u saxeexday. iyadoo dhaqaaleheedii yaalo berbera oo dano muhiima ah ka rabta guud ahaan gobolka. Lkn waxa ii muuqda in madaxdeenu meelmarinta heshiiska ay ku qurxinayeen dhisida jidkaas .waayahay” madaxdaydii beenta badanayd.

Free zone suuqa xorta ah. nuqul kamid ah heshiiskii 6-nov-2017-kii ay baahisay shirkadu. nuqul yar oo aan soo qaatay.

Dp world groub chairman CEO and Sultan Ahmed binu sulayem and Republic of Somaliland minister for foreing affairs and international cooberation Dr. saad ali shire signed agreement for the berbera free zone(BFS) in dubai today,in the presence of senior combany and government officials.

The development is based on Dp world’s jebel ali free zone( jafza) in dubai and aims to attract investment,incourage trade, create new jobs and position berbera as a gateway port of the region.

Waxaa kliya ee inoo hadhay waa in free zone-ka ay shirkadu sheegtayna. waxba ka socon wayaan ,qoraaalkan sare wa nuqul aan kasoo dheegtay heshii ay shirkadu baahisay 6-nov-2017-kii oo shirkadu ay sheegtay in gudomiyaha shirkada iyo wasiir sacad ay dubai kuwada saxeexdeen heshiiska free zone sidoo kale inay Somaliland waa freezone e’ ay ka faa;idi doonto wax badan sida maalgalin,dhiirigalin ganacsi iyo shaqo abuur. Taas laftigeeda far ayaa ku godan.

Guulaysta madaxdii beenta badnayd ee haystay shacabkii samirka badnaa.

Alaah mahad-leh

W/Q.Ugaas Cumar Jamac Iidle

Facebook.Ugaas Cumar jaamac Iidle

Contact-Email.cumarjaamac07@gmail.com

COMMENTS
LINKS