“Mareeyaha Dekedaha Djabouti Masuul Qayb Weyn Ka Qaatay Horumarka Dalkiisa +Falanqaynta Jawaabtii Uu Kagaga Falceliyey Odhaah Falaadh Ku Noqotay Faysal C, Waraabe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mareeyaha Dekedaha Djabouti Masuul Qayb Weyn Ka Qaatay Horumarka Dalkiisa +Falanqaynta Jawaabtii Uu Kagaga Falceliyey Odhaah Falaadh Ku Noqotay Faysal C, Waraabe.
March 6, 2018 - Written by Editor:

 Kala fogaanshaha Aqooneed & Wadaniyadeed Ee Mareeye Abuubakar Iyo ficilada Dhaameelku Hagayay Ee  faysal Cali Waraabe Iyo Miciisa?

 

JABUUTI(W.N) :-Dalka jabuuti Ayaa Marba Marka ka danbaysa Waxaa xawli ku socda Horumarka uu ka gaadhayo Dhinacyada kala duwan ee koboca Dalka iyo kor u kaca Adeegyada Kala Duwan ee Arrimaha Bulshada, Iyagoo Xiligan kamida Dalalka Africa kuwa Ugu Dadaalka Badan, Sidoo kale siyaasada iyo aragtida furfuran ee madaxda dalka jabuuti ayaa keentay in ay kulmiso wadama dunida ugu xoogan wayn isla markaana kala aragtida duwan balse ay bisaylka iyo Qaangaadhka  siyaada madaxda jabuuti sobobtay in dalka mida walba oo la saaxiib ahi wixii dan ee ka dheexaya  ay kawada macaamilaan. , Mareeyaha Guud Ee Dekedaha iyo dhulka ka caagan Cashuuraha Ee Dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi Wuxuu kamid yahay Masuuliyiinta Aqoonyahanka dalka ah isla markaana suurta galiyay mudadii uu Xilkan Hayay In dekedaha Dalka jabuuti ay gaadheen Horumar Balaadhan Iyo Casriyeyn ay kula tartamayaan boorarka ku yaala mandaqada Geeska Africa.

DEKEDA DOORAALE

 Abuubakar Cumar Xadi Wuxuu Kamid Yahay Shaqsiyaadka Uu Madaxwaye Geele Dalka Dibadiisa uga yeedhay Isagoo Xiligaa Shaqo ka hayay  dalka Nayjeeriya, sidoo kale masuulkani wuxuu kasoo shaqeeyay wadamo kamida Africa, Isagoo mudadaa uu xilka hayay safka hore ka Galay xubnaha Aqoon Iyo Maskaxba Galiyay Sidii Dalkiisu iyo Dadkiisu Ugaadhi lahaayeen Horumar ay kaga maarmaan Gacan ku haynta Wadamada shisheeye ee Dekeda dalka jabuuti.

dekeda dooraale abuubakar

Dhawaan Ayay Ahayd Marki Dawlada Jabuuti Ay ku Dhawaaqday In ay ka Baxday Heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP WORLD Iyagoo sharaxay sobobta keentay in ay ka baxaan Heshiiskan Shirkada DP,world, Sidoo kale Waxay Ku eedeeyay in ay mudo dheer Dawlada Jabuti ka sugayeen Sidii heshiiskan dib U Eegis Loogu Samayn lahaa balse taasi ay dhagaha ka furaysteen Maamulka shirkada DP World. Waxa Xusuus mudan sobobta dalka jabuuti heshiiskan uga Baxday Ayaa Waxaa siqoto dheer usharaxay Mareeyaha Guud Ee Dekedaha Iyo Dhulka ka caagan Cashuuraha Abaabakar Cumar Xadi, halka uu dhanka kalena cadeeyay in Dawlada jabuuti Isku fulin tahay Maamulka Dekedaheeda Xaqna ay u leedahay in aanay Aqbalin cid aan Masiirka umada Jabuuti fulinayn Aanay Usoo Xidhanaynin Shaadh kale.

Marka laga tago  Go,aanka Ay Qaadatay Dawlada jabuuti Kuna caydhiyeen Shirkada Dp World, Ayaa Waxa Dhanka Somaliland Go’aanka Jabuuti Iyo Hadalka Maareeyaha Dekedaha Si Khaldan In ay u Turjumaan isku dayay qaar kamida Siyaasiyiinta Reer Somaliland Oo uu hormuud ka yahay faysal cali warabe una tafo xayteen sidii ay iskagaga horkeeni lahaayeen bulshada somailand iyo jabuuti iyagoo fulinaya dane shisheeye, wallow Mudo gaaban kadib ay qorshahaasi uu fashiliyay Mareeyaha Dekedaha jabuuti oo warbaahinta la hadlay, waxba kama jiraan ku tilmaamay Wararka faysal Cali Waraabe iyo xubnaha ay isku Aragtida yihiin Doonayeen inay ku marin Habaabiyaan Ujeedadoda Go,aanka dalka , Wuxuna bulshada reer somalland u cadeeyay in aanay jabuuti ka Xumay Dekeda Berbera iyo Heshiiska ay Somaliland la galeen Shirkadan, Balse khilaafka Udhaxeeya jabuuti DP WORLD oo bilowday xili Aanay somailand Heshiis Ka dhaxay shirkada .

muuse iyo abuubakar

 

Dhawaaqa masuulkan u hadlay dawlada jabuuti ayaa waxaa bulshada reer Somaliland ku Qaabileen Dareen farxad leh kaasi Oo meesha ka saaray Qorishihii kooxdan faysal cali waraabe hormuud u yahay wadatay, Sidoo kale Maareeye Abuubakar Wuxu cadeeyay in ay umada jabuuti iyo kuwa somaliland yihiin kuwo walaalo ah islamarkaana ay ka dhaxayso Walaltinimo iyo wada Lahaansho ah dawladnimada .Somaliland. Weedhaha Taariikhiga ahaa ee Maareeye Abuubakar ka Dhawaajiyay Waxaa kamid ahaa Somaliland “ majiro cid nooga lexejeclo badan Somaliland aragtida faysalna waxaa Aaminsan xubno tiro yar oo beesha dhexe kasoo jeeda iskuna haysta in ay beelaha Darifyada Somaliland uga lexejeclo badan yihiin waxaanan qolooyinkaa u sheegaynaa in aanu Somaliland uga Lexejeclo badan nahay” Maareeye abuubar,

Faaladan ayaa ujeedeedu tahay in ay umada Somaliland iyo cidkasta oo jecel wanaaga umadaha jabuuti iyo Somaliland u bayaamino kala fogaanshaha aqooneed, wadaniyaydeed ee maareeyaha dekedaha jabuuti uu ku kasbaday shucuubta wadankiisa iyo dabcan kuwa reer Somaliland oo uu noqday masuulka loogu hadalhaynta badnaa hadalkiisa iyo aragtida xubnahan faysal hormuudka u yahay ee ku salaysan dheef raadinta iyagoo ku guul daraysay in ay Somaliland siyaasadeeda wax horumara kusoo kordhiyaan

Sikasta oo ay Tahayba Waxay Taariikhdu Xusidoontaa mudo badan Mareeyaha Guud Ee Dekedaha Iyo dhulka ka caagan cashuuruhu Muujiyayna wadaniyada uu ku horumariyay dalkiisa iyo dareenka walaltinimo ee uu iyana u cadeeyay bulshada reer Somaliland,

 

QALINKII IYO FALAQAYNTII Wariye  Yuusuf Hirsi

Hargaysa Somaliland

Email;wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS