ANIGAA SOMALILAND AH W/Q: Sharmake Iccq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ANIGAA SOMALILAND AH W/Q: Sharmake Iccq
March 9, 2018 - Written by Reporter:

Wa magalada Hargeysa Sanadkuna Wa 1988 kii iyo xafada daruuraha oo Madaafiicda iyo rasaastu ugu da,ayso Sida dhibica roobka waxa madfac qabsaday mid ka mida Xafadahi nagu dhagsanaa ilahay ha u naxaristo intii ku dhimatay Malintaasi wa malinti walidkay Go,aan sadeen inaanu ka baxno magalada waxa loo baxay dhanka iyo biyo shiinaha ilaa Anayo oo lagaso waregi jiray lugta dheer ee lagu talabayana lagaso qabsan jiray Waxanu nahay qoyskayagi iyo qayb ka mida familygayaga oo Mudo yar ka hor nooga yimi Djibouti xagaa bax Awgii oo halkay ka filayeen Naacawdi hargeysa iyo Cuntadii freshka ahayd Sanadkaa Siyaad bare uu ugu badalay qiiq, baaruud, Rasaas Iyo Duqayn.

 

Xafada waxa u weyn Awoowgay Cabdi Carte Qaasali(Ilahay ha u naxariiste) waxaana u yar Aniga oo markaa Jiray Bilo kooban. Waxa la bilaabay socodki iyo ka firxashadii Taliskii Dhiigya cabkaa ahaa Een shicibka uga aaabo yeelayn Nooc kasto habka la adeegsado ah ee uu gacanta ku haystay inta u dhaxaysa Diyaarad ila AK47 Markii duleedka magalada la marayo ayaa waxa so dul martay mid ka mida diyaaradahii sawir qaada ahaa Dadku wa shicib aan colaad u joog ahayne iyagoon kaba fogaan Goobti waxaba dul heehaabaysa Mid ka mida Miigagii wax duqaynayay ilahay ha u naxariisto maatidii halkaa ku geeriyootay. Alhamdulilah ilahay wanaga badbadiyey Aniga oo aad u yar iyo dhaman qoyskayagii Socodkii iyo daalaa dhicii waxa lasi tukababa Meel aya lagu nastay Waxna hala yara cunaa lays yidhi. Ka yar cano haloo sameeyee Nuuxow keen Falaasti Aad siday ee biyaha kululi ku jireen mise Nuux maba sidaba falaasta oo Culayskeedii ayuu dhexda kagaso dhaqaaqay madaama oo uu Naftiisiba qaadi kari la yahay isagoo Laftiisu da,a ahaan yaraa. Mar labaad ilahay mahadii weeyi Tiiyon Safarkaa cidi nagaga dhiman Qoys ahaan ayaanu xadka ka talawnay una talawnay dalka Itoobiya ee magan galyada INA siiyey xili Cashuurteeni iyo dhaqalaheeni inaga dib lay noogu adeeg saday dilkeena. Waxba yaanan hadalka idinku Daaline Safarka meelahan sii furnay waxa ka mid ahaa dabaylka, Harta sheekha, Dulcad, jigjiga, Diridhaba ilaa Djibouti oonu ku danbaynay Dabayaaqadii 1990kii Aya ilahay ku guuleeyey mujaahidiinti xaq u dirirka ahaa inay Afka dhulka u daraan Taliskii bahalka ahaa Ee faqashta Waxa laga dhaqaaqay Hargeysa oo Camiran Nolol ahaan dhisan Bulsho ahaan Akhlaaq leh Kalgacalna dhexdooda yaaalo oo wada walaalo ah Balse waxa laso noqday Hargeysoo kharaabada. Sakadaad ka laabtana ay yaalaan Maydad, Qolfoof, Miino iyo hadhaga dhaman hubka noocyadiisa kala duwan farxadii ma jirto kalgacalna warkiisa daa Guryihii camirnaa Way isku dumeen wajiyadii dadka dirqiba lagu garanaya Farxad Iska daaye Dhoola cadaynti ayu wajigi iloobay Ilayn wa bulsho Duruufaysane Dad badanoo is yaqaanay oo jaar, saaxibo iyo ehelba ahaa ayaa salanta isladhaafay oo is garan waayay diifta iyo dayaca oogadooda ka muuqda darteed.

Xiliyadaas Hargeysi waxay iska ahayd Xasuustii Qabuuraha Sababtoo ah waxa duntay Nolol dhan dadkaagi oo badh dhiinteen Asxabtadi ama ehelkaagi oo Qaar maskax ahaan fayoobayn Dad la waayay meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeeen. Ubad agoonoobay Hooyo goblantay iyo haweeen asay qaaday waxay iska ahaayeen wax nolol maal meedka bulshada ka mid Noqday oon lala yaabin lagana Nixin waayo wa lala qabsaday Duruufahaas Nololeed waxay sababeen in hab nololeedki Bulshadu dumo wax badanoo laga faani jiray lagu faano iyo in laga dhaxlo xanuuno maskaxeed iyo Mid nafsiya oo ila imika 27 Sano kadib Bulshadeena qaybo ka midi la Nool yihin. Waxaan ku dhex garaad Saday kuna kuno soo dhex barbaaray Noloshaa Qalafsan waxaa qalab ciyaareed noo ahaa hadhaagii hubka iyo miinooyinkii dhulka daadsanaa qaarkoodna aas naayeen. Maalin kasta waxay dili jirtay miinadu ama dhaawici jirtay Saaxibaday, jaarkaygii Ama ardaydii dugsiga iyo malcaamada waalidka Cabsidu Joogtay u ahayd “Kashaa Hinqanaysa Goorba Tolow Hebel mee Ku foogan”Hadraawi. Waxan Nasiib u yeeshay inan malcamada iyo dugsigii ugu horeeyey ee dib lo furo lay Qoro Maadama walaladay iga waaweynayen inay nasii kaxeeyan aniga iyo walashayda iga Yar Waxan uuladaydii ka bilaabay Geed ku yaala Dugsiga 31 May(dhalinta) Hoostiisa waxa lagu fadhiisan jiray Dhagaxaan iyo dhulka maalmo kadib waxanu galnay Classyo bila Jiingad ah waxana loo dalacay in lagu fadhiisto Dasadaha caanahu ka dhamadan oo laysku dilo. Waxaan ka mid ahaa ardayda ugu daasada qurxoon(Baroo) maadama aanu Tukaaan lahayn waxan qaadan jirnay daasado Cusub waxa dhici jirtay in Fasalada Naga waaweyn Xoog iyo boob ku qaadan jireen daasada fasalada yaryarka. Lacagtaydii ugu Horaysay een arko waxna ku iibsado Ee iso gashaa waxay ahayd Somaliland Shilling Waxbarashadaydii min Malcaamad Dugsi Hoose dhexe Sare ilaa Jamacad waxan ku qaatay Ciidayda Hooyo Ee Somaliland. Alhamdulilah Nasiib waxan u yeeshay Calankii kowaad een hadhsado, Ciidan iyo Nidaam dawladnimo ee aan arko Iyo Guud ahaanba Noloshaydu Inay ku bilaanto Jamhuuriyada barakaysan Ee Somaliland Kuna dhaman doonto. Sidaasoy Tahay Bulshadu ismay dhiibin duligiiina may si dul fadhiyine way ka kacday boodhkii, oo Gacmahay is qabsatay iyadoon cidna teegeero ka helin Beesha caalamkana San mucaawimo iyo Taageero waydiisan Ayay Aayahooda ka tashadeen. Ugu Danbayntii Aniga iyo inta ila lodka ah Noloshayada iyo Qarankan Barakaysan Wanu isku sidkanahay oo Isku bar bilow Ayaanu Nahay sidaa aan Aniguba u koray Jidh ahaan iyo maskax ahaan ba Ayay Somaliland na u kortay Bulsho Ahaan iyo Qaran ahaan Waxaana laynooga baahan yahay inaynu Qarankan gadhsiino Horumar kaynu Hiigsanayno kana midho dhalino Riyadeena iyo Rabitaan keena Hawl baana inoo taal Dadkaygoow Dhexda Hala Xidho.

 

“DALSAN WA DHULKAYGEE MEEL KALOON DANEEYOON DIIQAD LI,I FADHIYAYAA MIYEY DUNIDA KUBA TAAAL” CANSHUUR.

 

Qalinkii: Sharmaarke Ismaaciil

Sharmake Iccq Sharrmarrke1@gmail.com

COMMENTS
LINKS