Xukuumada Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojisay Hay’adda Candlelight | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojisay Hay’adda Candlelight
March 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (C/kariin Xinif) Ayaa si ku meel gaadh ah u joojiyay wada-shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adda Candle light ee maxaliga ah. Guddoomiyaha ayaa shaqo joojinta Hay’addan ku socodsiiyay Hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin ee Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ka taageera dib-udejinta iyo arimaha qaxoontiga.

 

candlelight-550x400

 

Sida lagu sheegay war qoraal ah iyo lifaaqa warqadda shaqada lagaga joojiyey hay’addan kaasi ookasoo baxay xafiiska guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka waxa  lagu xusay in guddoomiye Xinif uu Hay’addaha  FCA, NRC, DRC, WORLD VISITON,  IOM,  AAHI,  UNCHR iyo WFP ku wargeliyey in ay hakiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen NGO-gan   Candlelight, isla markaasna aanay dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland ku sugan.

Qoraalkan kasoo baxay xafiiska guddoomiye Xinif waxaa kale oo lagu sheegay  shaqo ka joojintani inay ka dambaysay kadib markii ay Candle Light,   joojisay xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Ha’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka, islamarkaana ay ka soo jawaabi waayeen xidhiidho kala duwan oo lala sameeyay masuuliyiinta ugu saraysa, Email iyo fariimo kala duwana oo loo diray, sidoo kale waxa ay Hay’adda Candle light soo gudbin wayday qorshaheedii sanadka cusub ee 2018-ka .

 

Gebogabadii qoraalkan uu soo saaray guddoomiyaha hay’adda qaxoontigu waxaa uu  Hay’adaha iyo Ururrada kale ee arrintani khusayso  faray in aanay Hay’addaasi dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga dalka ku sugan.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ay hay’adda Candlelight illaa hadda kasoo saartay shaqoka joojintan ay xukuumaddu ku samaysay.

 

 

COMMENTS
LINKS