WAJAALE NEWS

Dalada Sonsaf Oo Hargaysa Ku Qabatay Kulan Lagaga Doodayo Caqabadaha Hortaagan Doorashada Golaha Wakiilada

Hargaysa (W,N):- Dalada Ururada aan dawliga ahyn ee Sonsaf ayaa maanta Magaalada Hargaysa ka furtay kulan lagaga doodayo xal u helista caqabadaha hortaagan Doorashada Baarlamaanka Somaliland.

Kulankan oo soconaya mudo labo cisho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida, Xisbiyada Siyaasada, Deeq bixiyaasha arimaha Doorashada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version