Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ismaaciil Dhubato Oo Kamid Ahaa Tiirarka Bahda Waxbarashada kuna geeriyooday Hargaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ismaaciil Dhubato Oo Kamid Ahaa Tiirarka Bahda Waxbarashada kuna geeriyooday Hargaysa,
March 12, 2018 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda waxbarashada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cali Faarax (Ismaaciil Dhubato) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2018, magaalada Hargeysa.

TACSI

Marxuumka oo ay Madaxweynaha isku fasal ahaayeen wakhtigii waxbarashada ayuu ku sifeeyey Marxuumka shaqsi karti iyo dedaal badnaa yaraantiisi iyo intii uu ku dhex jiray bahda waxbarashada oo uu ka soo bilaabay macalin-nimo kuna dhex jiray muddo 50 sanno ah, isagoo mar noqday gudoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, soona saaray jiilal ka dhaxlay aqoon iyo waayo aragnimo badan, waxaanu marxuumku ku tilmaana  daacadnimo iyo aqoon uu u huray dadkiisa, iyadoo taariikhdu xusi doonto dedaaladii uu qaranka iyo dadkiisaba la barbar taagna.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS