“Farmaajo Malaha Wuxu U Haystaa Berbera, Odaygii Adeerkii Ahaa Amaano Uu Noogu Dhiibay” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Farmaajo Malaha Wuxu U Haystaa Berbera, Odaygii Adeerkii Ahaa Amaano Uu Noogu Dhiibay” Cali Guray
March 12, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) ayaa ka hadlay Aragtida aan waayo aragnimada ku dhisnayn ee madaxda maamulka muqdisho kusoo faro galinayaan somaliland iyo Heshiiska Dekeda Berbera iyo Shirkada DP World wuxuna udhignaa Qoraal Uu Arimahaasi kaga hadlayo oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebookga Sidan;

“Cagabaruurada Muqdisho waa niman yaryar oo colmoog ah. Wixii Soomaali soo kala maray hadii ay ogyihiin meelaha qaarkood isukumay taataabteen. Farmaajo malaha wuxu u haystaa Berbera odaygii adeekii ahaa amaano noogu dhiibay ama tolow hadyad u bixiyay. Sarkaalkii ugu geesisanaa saraakiishii Siyad Barre ee Ciidankii SNM kula dagaalamay Waqooyi ee markii ugu dambaysay ka dhaqaajiyay Berbera wuxu ahaa sarkaal Mareexaan Ah oo la yidhaa Cabdicaziis Cali Barre. Sarkaalkii ka tirsaday Berera ee SNMna wuxu ahaa Ibraahim Dhegawayne oo Isaaq ah. Labadii sarkaalba maanta way nool yihiin. Haduu ogyahay wixii ka dhacay dunida ama Soomaali kala gaadhay.

Wuxu yidhi Adan Tarabi:

BADANAA NAFLAHA

BIRTA LAGA ASLIYO

TUUTAHA BAKHTIYAY

Barqosan baanu marin Farmaajo oo maydkii wadhnaa laamiga hareerihiisa marka aad baabuur saarantahay uu laamiga haysto aad sanka qabsanayso. Markaa ha iska hadhadlo ma oga boogaha uu hadalkiisu damqinayo eh. Kol hadiise aanu Berbera cagaha soo dhigayn soona dhigi karin waxa la gudboonayd in arimaha qaar aanu ka hadlin hadalhaynta Berberena isagu ka muquurto kol uu u daayo kan yar ee kale ee Berbera iyo Dayniile aan kala garanaynin. Imika dhegegaalihii Isaaq waxa dubuq yidhi Berbera Mareexaan baa idinku haysta mana jirto ee inan yar oo la yidhi Madaxwayne ayaad tahay laakiin aan garanayn cidda uu Madaxwayne u yahay ayuun baa hadlay. Reer ahaan Mareexaanku markii ay qabyaaladda ku difaacayeen Maxamed Siyaad Barre in badan oo aan ka mid ahay oo isaaq ah ayaa u qirsan inay rag raga ahaayeen oo weliba ay gobanimo dagaalami jireen ee aanay gunnimo dagaalami jirin Maanta laysna lahayn oo Cabdicasiis Cali Barre iyo Moorganba way kala gobsanaayeen ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay, Cali Guray

COMMENTS
LINKS