Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan.
March 12, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa(W,N):-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Galabta Waxay Xidheen Wariye Maxamed Cali Bakeeri oo ah Saxafi ka Hawlgala Shabakada Wararka Burco Online iyo Tvga Bulsho, Xadhiga Wariyaha Oo aan ahayn mid waafaqsan Shuruucda Dalka iyo ta Xoriyatul qawlka islamarkaana aanu jirin wax waaran maxkamadeeda oo lagu soo qabtay ayaaney jirin ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dalka.

Wararka Aanu helayno ayaa Sheegaya In Wariyaha lagu Xidhay Xarunta Danbi Baadhista ee Loo yaqaan C.I.D,

Iskasta oo aanu isku daynay Inaanu Wax Ka ogaano Sababaha Loo Xidhay Wariyahan iyo Danbiga loo haysto, wali nooma suurto galin wax faahfaahin ah oo aanu ka helnaa.

Somaliland Xadhiga Wariyeyaasha Sifooyinka Loo Qabto islamarkaana loo xidhaa Waxay Mudooyinkii Danbe ahayd mid Bahda Garsoorka iyo haayada Xuquuqda aadamahuba Aad uga Hadleen islamarkaana waxaa Gudoomiyaha maxkamada Sare Qaranka Somaliland Amar ku bixiyey in iyadoo la Dhawrayo Xuquuqda Bahda Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ahba loo maro Sifo Waafaqsan Dastuurka Qaranka Sidaa Darteedna Warqad Rasmiya oo Waaran Maxkamadi Soo Sharciyeysay Lagu Xidho, Ciidamada Amaanku Ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadinka.

Walow Amaradaasi Jireen haddana Ma Noqon Qodobadaasi Kuwo Ilaa Hadda Dhaqan Gala Waxaana iska Caadi Noqotay in Qofka ama wariyaha Bilaa amar maxkamadeed lagu xidho, Taas aan lagu dabaqin sharciyada iyo Dhawrista Xuquuqda Qofka Muwaadinka ah.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha.

 

COMMENTS
LINKS