“Baarlamanka Somaliland Labadiisa Aqalba Ceeb Bay Ku Tahay In Kuwa Muqdisho kaalintoodii ka Maroorsadaan” Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Baarlamanka Somaliland Labadiisa Aqalba Ceeb Bay Ku Tahay In Kuwa Muqdisho kaalintoodii ka Maroorsadaan” Cali Guray
March 12, 2018 - Written by Editor:

“13 Sanadood Ayaad Quudanayseen Cashuurta Yar Ee Dadkiinu Bixiyo Hadii Aydaan Maanta Oo kale Ugu Hiilin Codkiina Waxay Noqon Taariikh Xun Taariikhduna Iyada Ayaa Isqorta. Muj cali  

LA ARKI DOONEE

Baarlamanka Somaliland Labadiisa Aqalba Ceeb bay ku Tahay in Kuwa Muqdisho kaalintoodii ka Maroosadaan iyaga oo xay ah oo nool. Hadii ay tan ogolaadaan Somaliland ma laha Baarlaman ayay ka dhigan tahay ee sidii Baarlaman Somaliland ah loo heli lahaa ha laga tashado. Marka ay Gudaheena tahay waa gaar laakiin marka ay cid kale inoo badheedho si toos ah oo qaawanna taladeena aanay inala lagayn ee keligeen leenahayna inagu qabsadaan waa in mawqif mudaysan Barlamaanka Somaliland ee iyagu ku yimi doorashada tooska codka shacbiga Somalilandna kuraasida ku fadhiyaa saw mahaa inay difaacaan xuquuqdooda iyo danta shacbiga Somaliland? Anigu waxan leeyahay waa la idiinka fadhiyaa haddii aad tihiin Barlaman Somaliland ah hadii aydaan ahaynse ma meteli kartaan shacbiga Somaliland Xaalkiinu markaa wuxu noqon La hubsadooy Gorayo Haad Bay Noqotay. 13 sanadood ayaa Quudanayseen Cashuurta Yar Ee Dadkiinu Bixiyo Hadii aydaan Maanta Oo kale ugu Hiilin Codkiina Waxay Noqon Taariikh Xun Taariikhduna Iyada Ayaa Isqorta.

Wuxu yidh:

SEBENKII XUMAADABA DAR BAA SAHAYDA NAANAYSE

KUWA SIINKA BAWDADA MARSADAY WAY SAJILANYEENE.

Hadana wuxu yidhi:

DADKA WAA LA KALA SOOCAYAA DAYRTA MAANTA AHE

BADH UUN BAA LA DAABAQADIN SIDII NEEF DILAAL WADO EH.

Hadana wuxu yidhi:

HADII LABA LIBAAX HILIB DHEX MARO WAY KU MURANTAAYE

CAD-MACAANKA IYO KURUSKA WAA LA ISKU MAAGAAYE

MISNA WAXAY HESHIIYAAN MARKUU DHIDAR U MUUQDAAYE

Labada libaax ee Muxaafidka iyo Mucaarka Somaliland maanta dhidar baa u muuqda. Saw maaha inay u heshiiyaan inta aanu ka dhex qaadanin hilibka ay isku haystaan. Mise qaar baa leh dhan walba ha lagu wado ee dheglay ku shub? LA ARKI DOONEE.

Weerarkan ay dawladda Mudisho ku soo qaaday Somaliland horta waa dagaalka afka ee iyaguba way ogyihiin in aanay samayn karin Wax ka Badan Hadal. Dhinaca siyaasadda iyo diblomaasiyadda Dawladda Somaliland waa inay iyadu qaado weerarka ee aanay difaac gelin waayo dagaalku waa isku mid gacanta sare laguma kasbo difaac. Tan kale waxay talaabadii ugu horeeysay waxay Xukuumadda Somaliland qaaday markii ay joogisay Wadahadalkii Bilaa Micnaha Ahaa Laakiin laga Yaabo inuu ahaa kala go’ Waxaa dhaama kala lulasho tiina iyagaaba Diiday oo doortay kala go’. Markaa dhamaadka khilaafkani ma noqon doono WIN WIN ee waa mid la kala Adkaanayo Oo WINNER AND LOSER la kala Noqonayo. Waxayna ku xidhan tahay labada dawladood ee Muqdisho iyo Hargeysa iyo sida uu mid waliba xoogeeda u midaysto. Gaar ahaan Somaliland hadii markii hore ay gacmaha ka laabatay Arimaha Gudaha Ee Somaliya, markan Waa inay Siyaasadeedii hore bedesho oo u turn ay teeda cusubi noqoto. Hadalka Muqdisho,

 Wax ka soo qaad yeelan maayo dhinaca bulshada caalamka oo haddaba waynu ognahay oo way ogtahay Somaliya iyo Somaliland ta run ahaan jirta iyo ta Aan Jirin. DP World Iyo Hawsha Mashruuca Horumarinta Berbera Midna wax Saamayn ah kuma Yeelan karo.

 

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS