Madaxweynaha JSL Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir-gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Qaranka+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir-gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Qaranka+Sawirro
March 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

29178182_1586783601435487_6292335897065029632_n (1) 29186697_1586783691435478_3283293423078998016_n (1) 29133537_1586783278102186_5028441186377924608_n 29133751_1586783504768830_8373187697312792576_n 29136011_1586783391435508_1448292087794499584_n

 

COMMENTS
LINKS