Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Turkiga+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Turkiga+Sawirro
March 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.
Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.

29104021_1586868171427030_7458571632785752064_n 29103542_1586866318093882_2536940867105587200_n 29103559_1586866661427181_3035279303915864064_n 29133205_1586866631427184_5546745702081626112_n 29103300_1586867851427062_6616157125305434112_n

COMMENTS
LINKS