WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Goor Dhow Safar Deg Deg Ah Ugu Anbabaxaya Imaaradka

Hargeysa (W,N):- Warar hada soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakada Wararka Wajaalenws.net ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu safar deg deg ah Goor dhow ugu bixi doono dalka Imaraadka Carabta.

Madaxtooyada Somaliland wali wax war ah kamay soo saarin ujeedka Safarka Madaxweynaha, balse wararka ayaa sheegayaa in uu salka ku hayo arinta muranka dhalisay ee heshiiska dekada Berbera, kaas oo dhex maray Somaliland , Itoobiya iyo shirkada Imaraadka laga leeyahay ee Dp World .

Sidoo kale Safarka Madaxwaynaha Waxaa ku wehelinaya, Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Wasiirka Wasaarada Arimmaha Dibada, Wasiirka Wasaarada Cadaalada, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Xubno kale oo mihiima

Wixii warara ee ka soo kordha safarka madaxwaynaha kala soco Shabakada Wararka Wajaalenews.net

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version