Shirkada Telesom Oo Eedeymo Culus U Jeedisay Xukuumadihii Kala Danbeeyey Ee Kulmiye, Sheegtayna In Cunaqabatayn Lagu Hayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Telesom Oo Eedeymo Culus U Jeedisay Xukuumadihii Kala Danbeeyey Ee Kulmiye, Sheegtayna In Cunaqabatayn Lagu Hayo
March 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Maxamed Yuusuf Cali Alloore oo ka mid ah madaxda shirkadda TELESOM ayaa sheegay in Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Kulmiye waa Xukuumaddii Siilanyo iyo tan maanta ee madaxweyne Biixi ay curyaamiyeen ganacsigooda.

Dhibaatooyinka uu sheegay waxa ugu waa weyn in Xadhiga Feber Obtic ee Internet-ka xanbaara oo ay Badda soo gaadhsiiyeen loo diiday in Berri ay keenaan kaas oo Kooto loogu xidhay sida sheegeen Shirkadda SOM CABLE.

Waxa kale oo uu sheegay in Laydhka (korontada) shirkaddaasina la cunaqabateeyay oo loo diiday in ay fidiyaan iyadoo Kooto loogu xidhay shirkadda SOM Power.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf Cali Alloore ayaa waxa uu sheegay in Shirkada Telesom ay Beri wixii laga bilaabo ay joojinayso Isticmaalka wixii ka yar Boqol Dollar.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

COMMENTS
LINKS