WAJAALE NEWS

Mudane M/weyne Waa Lagu Halaagmaa Colaadinta Ehlu Beytka,Run Sheegaha Iyo Dadka Muxsiniinta ah

Bismillaahi raxmaani raxiim

Qore Cali dool Axmed (C.Qoryoley)

12kii Maaraj 2017ka

Beribaa waxa la yidhi,dhowr nin oo safar ah,ayaa goor casar gaaban ah jeex meel

cidla ah degan kusoo baxay,waxay istusaaleeyeen inay caawa reerkan u hooydaan

oo martiyaan,markii ay reer tooydeen ayuu nin safarka ka mid ahaa,aqoonsaday

qoyskii meesha deganaa,waxana uu nimankii kale ku yidhi,waaryaadha ninka

reerkan leh,aniga ayaa aqaano,ilma adeerbaanu nahay,waa nin bakhayl ah oo

weliba faan badan,wallaahi haddii aynaan ka carraabin in aynu caawa qadayno oo

cunto daayoo aanu biyo inna waraabin doonin,waar ma iska carrownaa inta aanu cadceedu dhicin si aanreeraha

hore usoo martino?.

Nimankii kale ayaa ka diiday,markii uu ninkii reerka lahaa soo hoyiyay xoolihii ayuu nimankii u yimmid oo uu si

fiican u salaamay,hasaawe iyo sheekooyin ayuu ku asqaysiiyay,markii uu adhigii soo xerooday ayuu naagtiisii cod

dheer ku yidhi,heblaayooy caawa marti sharaf leh ayaa inoo jeegtee billaawihii soofaysnaa iisoo saar,kadibna wan

weyn ayuu qolqolkii aqalka ku gowracay,nimankii ayaa ninkii u dayrinayay ku idhi,waar maxaad sheegaysay

soowka ninku wankii adhigiisa ugu weynaa inoo gowracay?,ninkii bakhaylka ay ilma adeerta ahaayeen ayaa

yidhi,hebelbaan aqaanoo aniga weli iima aha?,hadana wuu yimmid oo hasaawe iyo faan ayuu ka

wareeriyay,beribaan sidan yeelay,beribaan sidaas sameeyay,hebelkan idinla socda ayaa i yaqaan iyo qosol

badan ayuu ku afrogay nimankii,markii ay caweysinkii ahayd ayuu nimankii martida ahaa u yimmid bakhalykii oo

uu ku yidhi,waar nimanyoihw imika waa goor dambe waaan gudcur,dhulkuna libaax dad cun ah ayuu

leeyahay,reerkaygiina kitaabkaas igu dhaariya oo biyo hilbaha WANKA lagu kariyo ma yaalaane,waagu hanoo

beryo oO biyo halasoo dhaamiyee caawa iska seexda.

Ninkii ay ilma adeerta ahayaeen ayaa yidhi,maxaan idiin sheegayay,INA ADEERKAY,MAAHA NIN CAQLI

XUN,WUUNA GARANAYAA,INAY DEEQDU WANAAGSAN TAHAY,LAAKIIN WAX BIXINTA UUNBAA KU

ADAG,horta sheekadaas waxan uga socdaa,hadaladii ay madaxda Somaliland maalmahan ku hadlayeen,ee ku

saabsanaa heshiiska DPW iyo somaliland IYO MOWQIFKII WANAAGSANA AEE UU MADAXWEYNUHU ISKA

TAAGAY,FARAGELINTII Somaliya , markii aan dhagaystay,waxan xusuustay,hadaladii ay madaxdii hore ee

KULMIYE ay ku hadli jireen,marka ay doonayaan na khiyaameeyaan,ayay hadaladan oo kale sheegi jireen,iyaga

oo isku dayaya inay nagu qanciyaan inay qaranimada Somalialnd difaacayaan,waxanse xusuustaa muddo yar

kadib, ficilkii siyaasadeed ee ay ku xigsiin jireen ee ahaa,inay somaliya u ogolaadaan,waxay doonaysay,sida

maamulistii hawada Somaliland,waxay dadka reer Somaliland ku odhan jireen,caalamkii ayaa inagu

yidhi,Somaliya ayaa dowlad la aqoonsan yahay ahe caawimada dhaqaale iyo mashaariicda horumarinta ahba

iyaga ayaa la idiinsoo marinayaayoo,anaguna dhaqaale ayaanu doonaynaayoo waanu aqbalay sidaas,oo waanu

la heshiinay somaliya.sidaas awgeed hadalkii aadka u wanaagsanaa ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu

jeediyay habeenkii 12kii maaraj anigu waxa kaga jawaabayaa,aniga weli iima aha,aniga weli iima

 

aha,,maxaayeelay waxan ku odhanayaa,nimankii tashadee hadana tukadiyo, haddaanay taladii Bajaaj noqon,ku

taabacay taas aad leedahay.,micnuhu waxa weeye,ku taabacay haddii aanad iskusoo kaaya rogi doonin sidii

ninkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland mar noqday ee Bajaajka la odhan jiray,kaasoo inta oo bulshada

maqashiiyo in anau yeelayn shirka noocaas ah iyo wada hadalada Somaliland iyo somaliya ee noocaas

ah,hadana bil kadib odhan jiray,waxba ma ahee weynu iska aqballay inay sida ay smaaliya doonayso aynu

yeelno.

Madaxweyne intaasi waa dardaar warintaydii siyaasadihii xisbigagau kusoo maamulayay ydii sano ee tagay

dalkane,waan difaacaygii joogtada ahaa ee qaranimada jamhuuriyadda Somaliland’e,waxan ku weydiiyay,ma ka

warhaysaa,waxa qabsaday,muxsinkeenii,macalinki caruurteena,maamulihii dugsiyada Nuuradiin ee uu Eebbe

kartida mowhibada iyo ijaasada uu usiiyay waxbarista ubadka reer Somaliland,waxbarista bilaashka ah ee

caruuraha danyarta ah,kor u qaadida faafinta cilmiga in lagusoo duulay?.miyaad ogtahay in buugaagtii uu

weligiiba daabacan jiray,ee ay macalimiintii dugsiga sare ee Nuuradiin,ee uu Siciid Jaalee ka mid ahaa u qori

jireen in lagu amray,Mahadoow ma daabacan kartid,mana lihid copy right buugaagtaadii,tuugbaadna

tahay,buugaagta badan ee kuu daabacan ee aad istoorka madbacaddaada hadda ku jirana kusoo wareeji,shirkad

gaarka loo leeyahay oo daabacaadda buugaagta dugsiyada Nuuradiin lagu naas nuujinayo?.

Madaxweyne horta aan ku weydiiyee weli ilma aad dhashay dugsiyada Nuuradiin miyaanu wax ku

baran?,OK,haddii uu wax ku bartay,miyaanu sidan jirin buugaag daabacan oo Nuuradiin leeyahay,oo buugkasta

macallin qoray uu dusha kaga xardhan yahay?,bal hadaba illeen qurba joog ma aanad ahayne,aqalkaagi

shacabka baadh baadhoo waxad ka heli doontaa buugaag badan oo ay caruurtaadu wax ka akhrisan jirtay oo

dugsiyada Nuuradiin daabici jiraye,imika maxaad odhan doontaa?.

Madaxweyne barsafoor Mahad yare,wallaahi inay dowladda Somaliland billad dahab ah siiyo mooyaane, maan

sugaynin inay curyaamintiisa koodhadh usoo xidhan doonto.

Madaxwryne waan kuusoo sheeko dhaafaye,waagii ay dowladdii Islaamka xukunkeeda hayeen boqoradii reer

Ummayaad,ayaa waxa aad loo gummaadi jiray,dadkii Ehelu beytka ahaa ee Eheladii Nebi Muxamed ahaa iyo

axsaabtii nebiga jeclayd caruurihii ay ka tageen,waxan ka akhriyay qisadooda buuga ”Dheemantii Maydh Lagu

Maamuusay” ee uu qoray Sh Maxamed Cabdi Daa’uud,inuu ilaahay ha naxariistee Sh Isaxaaq oo Maydh

degay,isaga oo dhulkii jasiiradda Carabta ee uu ku dhashay kasoo dhuyaalay,gummaadkaas reerkooda lagu

hayay darteed,uu yidhi,

Xilliyadii dambe ee boqoradii reer Umayaad xukunka muslimiinta hayeen,dadkii ehelu baytka ahaa ee nebiga ku

abtirsanayay,ayaa diinta caalimiin ku noqon jiray,masaajidada iyo meelaha ay fadhiistaan ayayna muslimiinta iyo

ardayda diinta iyo cilmiga baranaysa kusoo ururi jireen,dad uu cilmigu biyo dhigay oo nuur dheeraad ah leh ayay

ahaayeen Ehelu beytku,dabadeedna shaydaanka ayaa boqoradii xukunka hayay ku fidnayn jiray dilka Ehelu

baytka,kadibna markii aad loo gummaaday ee mararka qaarkood,la iclaamiyay,in ninkii soo dila qof Ehelu bayt ah

oo madaxiisa keena,in dahab le.eg madaxii uu keenay la siin doono,ayuu dhulkii cidhiidhi nagu noqday,boqoro

badan ayaa markay dillaan dad Ehelu beyt ah,cadhada ilaahay cuskan jirtay,oo calaamad ka muuqan

jirtay,kadibna mowtul qafle uu dili jiray oo cimrigooda lasoo gaabin jiray.

Marka aanu cabbaar dilka ka nasanaba,hadana boqor cusub aan wax ogayn uunbaa xukunka qabsan jiray,oo

lagu odhan jiray,nimanka culimada ah ee Hebel iyo hebel cirkaasay isla joogaan oo cidna wax uma yaqaanaan,

adigan boqorka ahna ha ahaatee,waxba kuuma haystaan,markaasuu dilka Ehelubeytka bilaabi jireen,

Markii dambe waxanu fahamnay in gummaadkayagu uu laba siyaalood ku iman jiray,waa midda hore,waxa

boqorada nagu diri jiray,dad ay wadaan hinaase,xaasidnimo iyo xoolo doon oo boqorada ku odhan jiray,miyaad

ogtahay,ninkaas sheekh Hebel waxa uu wado,wallaahi haddii aanad iska qabainin in aanad boqornimadii kusii

fadhiyaynin,markaasay boqorada caqli gaabka ahi,Ehelu Beytka ha la laayo amar ku bixin jireen.

Waata labaade,waayadii dambe waxa soo baxay,marka uu xukunka qabsado boqor ad adag oo daalim ah oo ay

dadku neceb yahay,waxa dhici jrtay,inay dad munaafiqiin ah intay u tagaan boqorkaas ay ku odhan

jireen,boqoroow miyaad ogtahay,sheekha khadiibka magaalada ahi wuxuu wado?,wuxuu doonayaa inuu xukunka

kaa qaado,bal u yeedhoo hanti badan siiyoo car ha kaa qaado,wuxuu u haystaa dadkana ku yidhaahdaa,boqorku

waa daalim oo xoolaha agoomaha ayuu cunaa,waana xaaraan in wax lala cuno.

Kuwaas keliya waxay doonayeen in markauu boqorku dilo sheekhaas Ehelu beytka ah,inuu Ilaahay u cadhoodo

oo uu Mowtul qaflihii kuwii hore cimrigooda soo gaabiyay uu boqorkan xunna uu dilo oo ay dadku dhibkiisa ka

nastaan,anagii Ehelu beytka ahayna gummaad joogta ahbay noo ahayd,boqoradiina qallad ku dhacdo ayay u

ahayd ,boqoro badan ayaana badan ayaan sidaas ku cimri degdegay.

Madaxweyne waxa la yidhi habeenbay,Sayid Maxamed Cabdille Xasan ciidankiisii gaarka ahaa mawleen,isaga oo

taahaya sidii caadadooda ahayd waxay dhegysteen oo dhegaha u raariciyeen bal waxa afkiisa kasoo baxa,markii

dambe ayuu yidhi,IIIIIH,IIIIH,IIIH,Ina Aboowana ma i sugayaa?,dabadeedna illeen kuw ilaahay u kadaiyayba may

ahayn,waxay ku dhaqaaqeen inay doonaan taariikhdii dhex maray Sayidka Ina abooyo,Ina Cali qablax ayaa ku

yidhi,Ina abooyo waxa weeye ninka ugu awood badan cuqaasha Jigwaaq,maalinbaa aniga iyo ninkan aad

ilaalisaan ee ina Cabdille Xasan oo safar ah uu sheedda naga arkay,isaguna ilaalo ayuu ahaayoo Ey dhowr ah iyo

askarbuu watay,dabadeedna dhowr Ey ayuu nagasoo diray,wallee maxaydaan ogayn galabtasa orodkii ka dhacay

iyo fadaladii uu tuurayay ina CABDILLE XASAN,

Kadibna askartii Ina Cabdille xasan intay goor casar ah hub iyo Fardo xoog leh ka kaxeysteen Harooyinka howdka

ka dhaqaaqeen oo habenkii oo dhan sii roorayeen,ayay banaanada duleedka Jigjiga ah kusoo dileen Ina

Abooyo,kurkisiina waxay keeneen xaruntii daraawiishta,

Hadaba imika Somaliland ee marka arrimaha siyaasadda laga sheekeysanayo,waxa la igu yidhaahdaa,Cai

Qoryoleyow isma ogidin adiga iyo,Sheekh Aadan Siiyo iyo rag kale wallee, madaxweyne Muuse Biixi wuu

Taahayaa oo wuxuu lahaa,iiih,iiiiih,iiiih,Sheekh Aadanna ma isugayaa?,Cali qoryoleyna ma

isugayaa?,maalin dhowna idinka sidii Ina Abooyo la idin dili maayee,jeelka Mandheera uunbaad liinta ku cabbi

doontaan.

Madaxweyne bal aniga tayda ha joogtee,Sheekh Aadan siiro,waxa uu ka mid yahay,acyaanta sare ee Ehelu

beytkeena,waxa uu koow ka yahay,culimada jecel ee difaacda naftana u hurta qaddiyadda Somalialnd,Sh Aaden

siiro,waxa uu kasoo jeedaa,raggii ehelu khayrka ahaa ee magaalooyinka Somaliland iyo kuwa ogaadeenyaba

asaasay sida magaalada Berbera,magaalada Bullaxaar,magaalada Hargaysa,magaalada Dhagaxbuur,magaalada

Qabridahare iyo magaalooyinka ogaadeenya ku yaalla badankooda.

 

Madaxweyne Sh Aadan siiro waxa uu kasoo jeedaa,ardaagii ugu ilbaxsanaa Somalida,ardaaga ugu dad dhaqista

badan,ardaaga ugu tol jecel,ardaaga ugu deeqsisan,ardaaga ammaansoorayaasha guud ah ee aan iyagu cidna

tartan kula jirin,cidna aan colaad u haynin,

Madaxweyne sida aad adiguba aqoonsan tahay,ee aan afkaaga ka maqlay,waxa uu Sh Aaden siiro kasoo

jeedaa,ardaagii asaasay saldanadda Subeer Awal ee iyagu anqariyay,ardaagii asaaskii ururkii SNM mayalka u

qabtay,ardaagii lacagta ugu badan ku bixin jiray halgankii dib u xorreynta dalka,ardaagii asaasay golayaasha

dowladda Somaliland,ardaaga aan ardaa kale tartan kula jirin,ardaa kalena aan la ficiltamaynin,ardaa kalena

aanula sinnayn,waxa uu kasoo jeeda ardaagii bulshada Somaliland beelkasta ammaanta iyo astaanta

wanaagsan ee u gaarka ah ku ladhi jiray,ee qaar o dhan jiray waa waslad dahab ah oo inagu dhexjirta,qaarna

odhan jiray,waa libaaxyadeenii,qaarna odhan jiray,sida beesha H/jeclo waa daacad, gaar ahaan ardaageena u

yaqaanay Somali kabiirta,waa ardaaga u nool anfaca ummaddiisa,dad dhaqasho iyo u ixsaan falista

ummaddiisa..

Madaxweyne Sh aadane Siiro cidda neceb wa acid qaranimada SOMALIALND NECEB,Waa dad cadow ah oo

xisti,buqdi iyo xummaan ka shaqeynaysa oo aan adigana nasteex kuu ahayn iyo dadka iyodalka Somalilandna ana

waaagooda rabin.

Qore Cali qoryoley

Exit mobile version