Dareen Nooceeya Ayay Shacabka Somaliland ka Bixiyeen Dhawaaqa Cabashada Xanbaarsan Ee Telesom Iyo Dhacdooyinka kala Duwan Ee Xukuumadaha kulmiye?, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dareen Nooceeya Ayay Shacabka Somaliland ka Bixiyeen Dhawaaqa Cabashada Xanbaarsan Ee Telesom Iyo Dhacdooyinka kala Duwan Ee Xukuumadaha kulmiye?,
March 13, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Maanta Ayay Ahayd Markii Midkamida Madaxda Ugu Saraysa Shirkada Isgaadgsiinta Casriga Ee Telesom Uu soo foqay Talaabooyin kala danbeeyay oo horumarka shirkada lagu curyaaminayay kuwaasi oo ay kula kaceen xukuumadihii kala danbeeyay ee xisbiga kulmiye  ka dhashay mudana ay shirkadu udul Qaadanysay kuwaasi oo xiligan bulshada reer Somaliland u soo bandhigeen taasi oo ay ka muuqatay Arimo ay  ka fursan wayday In xiligan cod dheer bulshada loosoo bandhigo, iyada oo  dhanka kale ay maalinta bari ah ku Eeg tahay Go,aamadii ay Xukuumada iyo madaxda shirkada Telesom isla Qaateen fulintooda  si xal loogu helo Qiimo Dhaca Shilinka Somaliland Iyo Sixir bararka baahsan ee Aafeeyay Bulsho waynta Reer Somaliland.

LABADAN

TELESOM 1

 

Dhawaaqa Cabashada ah Ee kasoo yeedhay Madaxda Shirkada Telesom Ayaa noqday mid Saamayn ku yeeshay Dhagaha Shacabka Somaliland Gudo iyo dibada ,Waxaanay Arintani Daboolka ka qaaday Tacadiyo ganacsi oo mudo huursanayaa bulshadana ay ka fursan wayday in  loosoo gudbiyo halka ay xukuumadahani uga ga dhigayeen  kaliya in xal loo Raadinayo Aafada sixir bararka balse Aanay Xaqiiqdu Sidaasi Ahayn marka laga Eego dhacdooyinka kale ee Barbar socday Hawlahan.

muuse iyo kaahin

Sidoo kale Madaxda Shirkada Telesom ayaa ku dooday In loo Diiday Adeegyo Bixintooda ay xaq uleeyihiin kuwaasi oo badalkoodu kooto loo xidhay laba shirkadood  Taasi oo xukuumadaha kulmiye ay midwalba adeeg gaara siiyeen kootana ugu xidhay, waxayna kala yihiin shirkada ay afka ku dhufteen SOM POWER  IYO SOM CABLE

Waxyaabaha Dareenka shacaba Somaliland Saamaynta ku yeeshay ayaa waxa kow ka ah labada shirkadood ee kootada loogu xidhay halka ay labada shirkadood saamayn ku leeyihiin qasriga madaxtooyada iyo siyaasada Madaxwaynayaasha iskaga danbeeyay Talada Dalka Somaliland

Sikastaba ah ahaatee dhawaaqa ka soo yeedhay madaxda shirkada telesom ee xanbaarsan cabashooyinka ay ka tirsanayaa  xukuumadihii kale danbeeyay ee xisbiga hada Talada haya ee kulmiye iyo habka qaraabo kiilka ah ee ay kootada ugu xidheen shirkadahan iyo   cadaadisyada isdaba jooga ay ku hayaan horumarka shirkada telesom ayaa noqonaysa mid abuurtay dareeno cadho leh oo shacabka reer Somaliland kaga horyimaadaan xukuumada kulmiye waana mid keeni karta kala qaybsanaan ka dhex bilaabanta bulshada kala duwan ee reer Somaliland.

 WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS