Hordhaca: Kulanka Barcelona vs Chelsea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hordhaca: Kulanka Barcelona vs Chelsea
March 14, 2018 - Written by Reporter:

Barcelona ayaa Caawa gurigeeda ku soo dhaweyneysa dhigeeda Chelsea, kulan xiiso iyo xamaasad gaar ah leh, Blues ayaana maanka ku heysa ineysan wax guuldaro ah la kulmin afartii jeer ee ugu dambeysay oo ay Camp Nou soo booqato, markii ugu dambeysayna xusuus qurux badan ayey kala laabatay maadaama ay final-ka tartnaka Champions League u gudubtay sanadkii 2012.

Bl1

Blaugrana waxey u baahan tahay iney guul gaadho ama ay kulanka ogolaato mar kale inuu ku dhamaado barbaro gool la’aan ah hadii ay dooneyso iney usoo baxdo wareega quarter final-ka, halka Blues ay u baahan tahay barbaro kabadan 1-1 iyo sidoo kale guul ay gaadho, waxeyna ciyaarta noqon doontaa caawa mid si weyn loo wada sugayo.

Antonio Conte ayaan la ogeyn caawa hadii uu Hazard ka dhigi doono lambarka 9-aad ee beenta ah iyo hadii uu Olivier Giroud aamini doono, balse waxaa loo badinayaa inuu kusoo gali doono shaxdii kulankii hore ee Bridge.

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Chelsea

  Tartanka: Champions League

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

MAXAA KA CUSUB KULANKA:

Kabtan Andres Iniesta ayaa dib ugu soo laabtay Barcelona kaas oo taam buuxa u noqday ciyaarta, xidigaan reer Spain wuxuu dhaawac uga baxay kulan ay kooxdiisa 1-0 kaga adkaatay Atletico Madrid.

Ernesto Valverde wuxuu soo doortay koox adag oo ay ka maqan yahiin xidigahiisa kala ah: Nelson Semedo iyo Denis Suarez kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan kooxda.

Dhanka Chelsea waxaa ka maqan Ross Barkley iyo David Luiz kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba, ma jiro xidig kale oo dhibaato qaba.

XIDIGAHA UGU MUHIIMSAN:

Barcelona: Lionel Messi:

Lionel Messi ayaa ah shaqsiga ugu mudan ee Barcelona laga tilmaamo markey noqoto in qof gaar ah la calaameeyo, xidigaan gool ayuu dhaliyay kulankii Bridge, wuxuuna ahaa midkii ugu horeeyay uu ka dhaliyo waayahiisa Blues.

Chelsea: Eden Hazard:

Eden Hazard si fiican uma ciyaarin kulankii Bridge, balse mar walba waa kan ugu sareeya kooxdiisa, Willian ayaa si weyn kaga fir-fircoonaa kulankaas, walow caawa la filayo inuu kala duwanaasho abuuro.

 

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic Paulinho; Dembele, Suarez, Messi

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Willian, Pedro, Hazard

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankaan waa midkii 14-aad oo ay labada kooxood ku ciyaaraan Champions League, waa kulanka sadexaad ee ugu badan taariikhda kaliya Bayern v Real Madrid oo 18-jeer is arkay iyo Barcelona v Milan oo 15-jeer is arkay ayaa ka badan.

Barcelona waxey gurigeeda kulamada Champions League rikoodh fiican kaga haysataa kooxaha Ingiriiska, 19-guul, 11-barbaro iyo 2-guuldaro.

Chelsea wax guuldaro ah kalama kumin Barcelona sideedii kulan ee ugu dambaysay oo ay tartankaan isku arkaan, iyadoo 4-tii jeer oo ay booqatay Camp Nou ka heshay barbaro.

COMMENTS
LINKS