Isku Aadka Wareega Quarter Final-ka Champions League Oo La Sameeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Wareega Quarter Final-ka Champions League Oo La Sameeyay.
March 16, 2018 - Written by Reporter:

Isku aadka wareega quarter final-ka Champions League ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo waaweyn oo dib xusuusta loogu laaban doono, marnaba dood lagama qabo in kulanka Juventus iyo Real Madrid uu yahay kan ugu xoogga badan oo aadka loo wada sugayo.

 

Labadaan kooxood waxey isla ciyaareen final-ka Champions League sanadkii lasoo dhaafay markaas oo ay ku wada ciyaareen Cardiff, waxaana 4-1 ku adkaaday Real Madrid oo markii labaad oo xidhiidh ah tartanka Champions League hanatay.

Sidoo kale kulan xiiso badan ayaa jira waana marka ay isla ciyaaraan kooxaha Liverpool & Manchester City, waana laba kooxood oo ingiriiska ah, hubantida waxey tahay in mid ka mid ah kooxaha Ingiriiska ay gaadhi karto semi final-ka tartanka.

 

Bayern Munich iyo Barcelona waxaa la fahamsan yahay ineysan ku dhicin af libaax ama loo saadaalin karaba iney soo gaadhi karaan semi finalka tartanka maadaam ay ku aadeen kooxaha Sevilla iyo Roma oo aan dabyar shideynin balse ka khibrad ahaan iyo awood ahaan loo doorbidayo kooxaha Bayern & Barcelona.

ISKU AADKA OO DHAMEYSITRAN:

Barcelona vs Roma

Sevilla vs Bayern Munich

Juventus vs Real Madrid

Liverpool vs Manchester City

Lugta hore kulamadaan waxaa la ciyaari doonaa 3-da iyo 4-ta April, halka lugta, labaad la ciyaari doono 10-ka iyo 11-ka April.

https://youtu.be/gkt_jcJVaW4

 

COMMENTS
LINKS