Isku Aadka Afar Dhamaadka Tartanka Emirates FA Cupka Oo La Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Afar Dhamaadka Tartanka Emirates FA Cupka Oo La Sameeyay
March 18, 2018 - Written by Reporter:

Waxaa Goor dhawayd la soo saaray isku aadka afar dhamaadka tartanka Emirates FA Cupka iyada oo afarta kooxood ee tartankan iskugu soo hadhay ay haddaba ogyihiin kooxaha ay markale dagaalka la sii wadi doonaan. Waxaa jira kulan xiiso gaar ah leh oo ka soo baxay isku aadkan iyada oo saddex kooxood oo ka mid ah lixda kooxood ee waa wayn ee horyaalka Premier League ay koobkan u sharaxhan yihiin.

 

FA-Cup

Manchester United ayaa afar dhamaadka FA Cupka la ciyaari doonta kooxda Tottenham iyada oo Jose Mourinho iyo Antonio Conte ay markan kala badbaadeen balse ay finalka isku arki karaan laakiin Chelsea oo wakhtigii dheeriga ahaa ee King Power Stadium guusha ay tartanka ugu soo baxday heshay ayaa la ciyaari doonta kooxda Southampton.

 

 

Isku aadka Afar Dhamaadka FA Cupka Oo Dhamaystiran:

Man United v Tottenham

Chelsea v Southampton

COMMENTS
LINKS