Qarax Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
March 22, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) -Weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Warar hor dhac ah ayaa sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday goob dad badan ku shaahayeen, waxaana jira khasare baaxad leh oo ka dhashay qaraxan.

 

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay qaraxan ku dhinteen kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxu uu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood la leeyahay waxaa soo gaadhay dhaawacyo culus.

COMMENTS
LINKS