Wasiir Sacad Cali Shire Oo Umuuqda Mid Kasii Baxaya Salaanka Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Iyo xogo Ifafaalo u ah Oo Maalmihii u Danbeeyay Isasoo Tarayay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Sacad Cali Shire Oo Umuuqda Mid Kasii Baxaya Salaanka Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Iyo xogo Ifafaalo u ah Oo Maalmihii u Danbeeyay Isasoo Tarayay!
March 22, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N) wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Sacad cali Shire oo ka mid ah Hadhaaga Xukuuumadii Hore Ee M/wayne Silaanyo sidoo kalana u muuqday masuul uu madaxwayne Muuuse Biixi uga Dan lahaa  sii joogi taankiisa,

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI

Macluumaad heshiisyadii ay gashay xukuumadii hore ayaa   waqtigan umuuqda mid kasii baxaya golaha wasiirada taasi oo hada jiraan ifafaalo  muujinaya in masuulkani ka sii dagayo salaanka xukuumada u gadhwadeeka ka yahay Muuse Biixi Cabdi iyada oo ay markhaati ay u tahay dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ee Madaxwayne Muuse Biixi ku tagayay wadanada dibada khaasatan dhinaca Imaaraatka Carabt ayaa ahaa safaro aanu wax ixtiraam ah ku lahayn wasiir Sacad.2018310636562635266692373Sacad Cali Shire

Xogaha aanu ka helayso arinta wasiir sacad ayaa tibaaxay in uu gabi ahaanba ku fashilmay soo gudbinta xogta uu qaranka u hayay iyo mad madowyada kasoo baxay dhamaan heshiisyadii ay gashay xukuumadii siilaanyo oo wasiir sacad hormuud ka ahaa.

Tusaale ahaan Tan iyo  ilaa maalintii wafti uu  hogaaminayay Madaxwynaha Somaliland U Anbabaxeen Dalka Imaaraadka Carabta ilaa soo guryo Noqoshadii waxaa Safarka Madaxwaynaha ka Warbixinayay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali koore iyadoo uu goob joog yahay wasiirka Arimaha Dibadu isla markaana Uu siyaasiyan yahay Wasiirka leh Shaqada siyaasada Arimaha Dibada ka Sokow Madaxwaynaha Iyo Talaabooyinkan kala danbeeyay ee masuulkan daqaada lagaga saarayo  ayaa abuuraya dareeno kala duwan oo ku xeeran booska Wasiir Sacad taasi  oo Mugdi galisay doorka wasiir sacad iyo hoos dhaca uu ku yimid shaqada uu igman Yahay.

Dhanka kale wasiir sacad ayaa lala xidhiidhiyay in uu ku kacay talaabooyin uu ku burburiyay safaarada Somaliland ee Etoobiya oo dhawaan gabi ahaanba meesha laga saaray masuuliyiintii hore ee Somaliland ujoogay dalkaasi,

Arimaha sida tooska loogu eedeeyay wasiir sacad ayaa waxaa hormuud u ah badal Lagu sameeyay masuulkii ugu firfircoonaa safaarada gaar qaybta ganacsiga Cabdilaahi Shibiin oo qorshe wasiir sacad soo maleegay loogu badalay wiil uu madaxwayne muuse adeer u yahay oo aan wax khibrad ah u lahayn shaqada culus ee taala safaara

Talaabadan lagu badalay Masuulkan ayaa waxay noqotay mid Bulshada reer Somaliland iswadiinteedu ku badnayn maalmihii ugu danbeeyay taasi oo dadka siyaasada falanqeeyaan ku tilmaameen mid uu wasiir sacad uga dan lahaa sidii uu  madaxwaynaha ugu kicin lahaa shacabka, halka uu muuqaalka masuuliyiinta xiligan iskugu tahay safaaradana ka dhigay mid Muujisay Sawir Qabiil, Iyo in durba shaadhkii madaxwaynaha lagu shaqaysanayo.

Sikastaba ha Ahaatee Wasiir Sacad ayaa Tan Iyo intii loo Magacabaay Wasiirka Arimaha Dibada wuxuu fadhiisiyay Shaqadii ay Somaliland u hayeen safaaradaha dibada oo ay ugu Mihiimsan Tahay Safaarada dalka Etoobiya

 WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE XAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS