Dagaal Ganacsi Oo Ka Dhex Bilaabmay Shiinaha Iyo Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Ganacsi Oo Ka Dhex Bilaabmay Shiinaha Iyo Mareykanka
March 23, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Mareykanka ayaa u muuqda in uu gunta u galay dagaal ganacsi oo kala dhaxeeya waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee Shiinaha.

2018323636573679413884831Shiinaha-640x360

Shiinah ayaa sheegaya in cashhuur dheeraad ah ku soo rogayaan khudaarta, khamriga iyo noocyada qaar ee biraha ee laga soo dhoofiyo Mareykanka waa haddii mareykanku uu qaado tallaabo taa la mid ah.

Madaxweyne Trump ayaa kal hore sheegay in cashuur dheeraad ah la saarayo waxyaabo badan oo dalkiisa looga soo dhoofiyo Shiinaha, waxa uuna durbaba saxeexay hindise tobanaan bilyan oo doolar oo cashuur ah looga qaadayo alaabaha ganacsiga ee Shiinaha ka imaanaya.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaaba la isugu dheeli tirayo ganacsiga caalamka oo uu sheegay in mareykanka uu ku dulman yahay, gaar ahaanna ganacsiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Xildhibanaada Mareykanka ayaa u muuqda kuwa aan Trump ku raacsanayn go’aamada dhanka ganacsiga ah ee uu qaadanaya, waxaana Jeff Flake oo ah senetar ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga uu BBC-da u sheegay in Trump uu hayo waddo dhib badan.

Dhanka kale, midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay Mareykanka oo ah in aanan cashuur dheeri ah lagu soo rogi doonin biraha iyo naxaasta mareykanka uga imaanaya Yurub iyo lix waddan oo kale, arrintaa oo kale hore muran dhalisay.

 

 

COMMENTS
LINKS