Suuriya: Mucaaradka Bariga Ghouta Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suuriya: Mucaaradka Bariga Ghouta Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay
March 23, 2018 - Written by Reporter:

Dimishiq (W,N):- Mid ka mid ah kooxaha mucaaradka ee ku haray bariga Ghouta, ayaa waxay ku dhawaaqeen xabad joojin.

Kooxda Faylaq al-Rahman ayaa waxay sheegeen in heshiiska ay gadhwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay uu ka dhaqangali doono Koonfurta Ghouta saacadu markay tahay 1 habeenimo.

_100537725_fa17e8ea-0b1c-442b-b9f1-f332524da447

Kooxdani ayaa intaa ku dartay in tillaabadani ay suuragal ka dhigayso in wadahadal lala galo militariga Ruushka si loo damaanad qaado ammaanka dadka rayidka ah.

Kooxaha mucaaradka ee qaybaha kale ayaa heshiis kan la mid ah hore u gaadhay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxa ay bariga Ghouta u kal go’nayd saddex qaybood.

Maxay sheegeen kooxda Faylaq al-Rahman ?

Afahyeenka kooxdani Wael Alwan ayaa galankii dambe ee Khamiistii sheegay in xabad joojin lagu heshiiyay “si wadaxaajood loola gali dhanka Ruushka si xal loogu helo damaanad qaadku aadan ammaanka dadka rayidka ah.

Heshiiskani ayaa lagu gaadhay “iyada oo loo sii marayo Qarmada Midoobay”, ayay sheegeen kooxdani oo gacanta ku haysa qaybta Arbin iyo Zamalka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo imika militariga Ruushka ,dowladda Suuriya ama Qaramada Midoobay.

Ma cadda ilaa iyo imika in heshiiskani uu taabagal noqon karo iyo in kale.

 

COMMENTS
LINKS