Trump Oo Bedeley La Taliyihiisii Dhanka Amaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Trump Oo Bedeley La Taliyihiisii Dhanka Amaanka
March 23, 2018 - Written by Reporter:

Washigton (W,N):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddalay la taliyihiisii dhanka ammaanka qaranka oo noqonaya kii ugu danbeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ha maamulkiisa oo shaqada ka tegay muddada 14kii bil ee uu xilka hayo ah.

F2B5883D-C268-4041-A05C-301B3A3D8E11_w1023_r1_s

Habeenkii Khamiista ayuu bartiisa Tweeterka ku qorey Trump, in Jeneral HR McMaster uu xilka ku wareejin doono John Bolton oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee Q.M., oo haddana u ah Tv-ga Fox New falan qeeye siyasadeed.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegtey in in Trump iyo McMaster ay isku raaceen in sarkaalkan sare ee muddada ku soo jirey ciidamada uu shaqada ka tago isla markaana uu howlgab galo.

McMaster ayaa ku sheegey war qoraal ah oo uu soo saaray in 34sano ka dib oo uu qarankan u shaqeynaayey uu howlgabnimo weydiisan doono ciidamada Mareykanka.

COMMENTS
LINKS