Nin hubeysan Oo Dad Afduub Ugu Haysta Supermarket Ku Yaala Dalka Faransiiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin hubeysan Oo Dad Afduub Ugu Haysta Supermarket Ku Yaala Dalka Faransiiska
March 23, 2018 - Written by Reporter:

Paris (W,N):- Nin hubeysan ayaa dhowr qof Aftuub ahaan ugu haysta supermarket ku yaalla Trèbes, oo ku taalla koofurta Faransiiska.

_100540625_aa855685-d80e-42e8-84d8-708b0075ed0b

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in ninka uu markii hore xabado ku furay booliiska, isagoo mid ka mid ah dhaawacay balse xaaladdiisu aysan khatar ahayn.

Dacwad-ooge ayaa sheegay in ninka hubeysan uu sheegtay inuu ka tirsan yahay Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka. Bishii January sanadkii 2015 nin hubeysan ayaa afar qof ku dilay supermarket ku yaalla Paris.

Raysal wasaare Édouard Philippe ayaa sheegay in xaaladdu ay ahayd mid khatar ah. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in hal qof uu dhintay, balse weli lama xaqiijin.

Boqollaal saraakiil booliis ah ayaa goobta la geeyay, iyadoo waddooyinka galena la xidhay.

COMMENTS
LINKS