Marxuum Faarax Muxumed Muraase (Faarax Jilic ) Oo Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marxuum Faarax Muxumed Muraase (Faarax Jilic ) Oo Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti
March 23, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Ale ha u naxariistee waxa Dalka Jabuuti maanta ku geeriyooday Marxuum Faarax Muxumed Muraase (Faarax Jilic) oo ka mid ahaa Dadkii laf dhabarka u ahaa halgankii lagu xoreeyay Somaliland isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadkii hiil iyo hooba la barbar taagnaa Ciidamadii SNM ee ka dagaalamayay Xeebaha Waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale Marxuum Faarax Jilic oo maanta ku geeriyooday Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka qayb galay Dagaalkii Labaad ee Aduunka Isagoo kamid ahaa Ciidamadii Faransiiska qaybtooda Camaandoosk ah.

Marxuumkan oo maanta lagu Aasay Dalka Jabuuti.

Waxaana Qoyska iyo Qaraabadii Uu Kabaxay Tacsi Udiraya Dhamaan Dadkan Hoos Ku Qoran Marxuum Faarax Jilic

Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland General Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif.

Caaqil Muuse Ciise Xirsi

Cawke Jaamac Gadiid

Ibraahim Nuur Qaalib

Xabiib Axmed  Daacad

Cabdiraxmaan Aadan Jaamac

Cabdi Aw Ciise Faahiye

Jirde Axmed Xaaji Ibraahim

Oday Xaashi Cismaan Dhoolaal

 

Sidoo kale Waxaa tacsi taalamida diraya  Bahda Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net

 

Inaalilaahi Wainaa Ilayhi Raajucuun

COMMENTS
LINKS