Khilaaf Ka Taagan Halka Lagu Qabanayo Codaynta Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Ka Taagan Halka Lagu Qabanayo Codaynta Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
March 24, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) -Waxaa sii xoogeysanaya doodda ka taagan halka ay ka dhaci doonto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay siweyn ugu kala aragti duwan yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

2018324636574506775932784baarlamaanka-1

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa ka hor yimid in codeynta mooshinka lagu qabto xarunta Baarlamaanka oo sida uu hadalka u dhigay xilagan aan u muuqan goob dhax-dhaxaad ah, isaga oo ku eedeeyay xukuumadda in ay xoog kula wareegtay Amaanka xarunta lagana qaaday ciidamadii hore halkaa u joogay.

Aragtida guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale qaba xildhibaannada taageersan ee ka soo horjeeda mooshinka oo dalbanaya in leysla tago goob kale oo ka baxsan xarunta Baarlamaanka si looga fogaado sida ay hadalka u dhigeen faragalin uga timaada dhinaca xukuumadda.

Laakiin dalabka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaannada la safan waxaa ka soo horjeestay dhinaca kale ee mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ka keenay guddoomiyaha kuwaa oo ku adkeysanaya in codbixintu ku dhici doonto xarunta Baarlamaanka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in beesha caalamku aqbaleen dalab uga yimid guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday in codeynta mooshinka isaga ka dhanka ah lagu qabto Taandhadii lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo ay goob joog ka noqonayaan saraakiisha beesha caalamka iyo xubno ka socda Ururada Bulshada rayidka.

Ilaa iyo hadda wakhti rasmi ah looma qaban xiliga  ay dhaceyso codeynta, laakiin sida ku qoran xeer hoosaadka waa in muddo 10 cisho ah lagu soo gabagabeeyo oo ka bilaabaneysa wakhtiga la gudbiyay mooshinka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan baaq u diray xildhibaannada dibada ku maqan in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo galaan, taasoo macnaheedu noqonayo in dhinac walba uu raadinayo codad ku filan.

In kalsoonida lagala noqdo guddoomiye Jawaari ayaa u baahan codad gaadhaya 184, taasoo dad badanni shaki ka muujinayaan sida mar kaliya loo wada heli karo, madaama ay adag tahay in tiro intaa leeg dhinac kaliya isku wada raacaan.

COMMENTS
LINKS