Rabshado Ka Dhacay Gobolka Catalooniya Ee Dalka Spain | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rabshado Ka Dhacay Gobolka Catalooniya Ee Dalka Spain
March 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Taageerayaasha xisbiyada gooni ugoosadka gobolka Katalooniya ayaa waxa ay isku dhaceen booliska Spain, kaddib markii xabsiga la dhigay dhawr ka tirsan hoggaamiyeyaasha Katalooniya, kuwaa oo ay xidhay dowladda Spain.

_100551139_b88190b4-be1e-4b88-8367-46a6e8176225

Magaalada Barcelona rabshado ka dhacay ayaa waxaa ku dhaawcmay 24 qof, waxaana boolisku ay dadkani ku kala eryayeen rasaas ay cirka u ridayeen.

Dad cadhaysan oo dibadbaxyo dhigaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka kaddib markii garsooraha maxkamadda ugu sarreysa dalka Spain uu amray in 25 ka mid ah hoggaamiyeyaasha Kataloniya loo maxkamadeeyo fallaaganimo, xatooyo iyo in ay diideen in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, eedeymahaasi oo qofkii lagu helo uu muteysanayo ilaa 30 sano oo xadhig ah.

Dhammaan siyaasiintani ayaa waxa ay beeniyeen eedeymahani loo soo jeediyay.

Qareenka u doodaya laba ka mid ah siyaasiinta lagu eedeynayo fallaaganimada ayaa sheegay in xadhigga loo geysanaya siyaasiintani uu yahay iskuday la doonayo in cagta lagu mariyo dadka u ololeynayo madaxbannaanida.

Mid ka mid ah siyaasiinta hadda la soo eedeeyay Marta Rovira, ayaa isla markiiba dalka ka baxay waxa uuna ku biiray shan kale oo kal horeba dibad joog ahaa.

Balse siyaasiin kale oo shan ah ayaa xabsiga la dhigay waxaana ku jira Jordi Turull oo xisbiyada gooni u goosadka ay u doorteen madaxweynaha maamul goboleedka Katalooniya.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale waxa uu waraaqdii lagu soo xidhi lahaa u jaray siyaasiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Katalooniya Carles Puigdemont oo dalka Belgiumka mustaafuris ahaan ugu maqan.

COMMENTS
LINKS