Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga La Bilaabayo Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Berbera Iyo Wajaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga La Bilaabayo Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Berbera Iyo Wajaale
March 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay shaacisay wakhtiga si rasmi ah loo bilaabi doono jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Africa waxaa uu sheegay in dhismaha jidkan la bilaabi doono badhtamaha sanadka 2018.

 

Jidkan isku xidhi doona Berbera iyo Wajaale ayaa waxaa uu qeyb ka yahay heshiisyo ay dawlada Somaliland la soo saxeexatay dawlada Imaaradka carabta.

COMMENTS
LINKS