Arday Soomaali Ah Oo Ka Qaybgashay Bandhig Dhaqameed Lagu Qabtay Dalka Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arday Soomaali Ah Oo Ka Qaybgashay Bandhig Dhaqameed Lagu Qabtay Dalka Masar
March 24, 2018 - Written by Reporter:

Qaahira (W,N) – Waxaa Todobaadkan magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaaliduna qayb ka tahay.

2018324636574637970485686nas.png

Arday ka kala socota dhowr iyo Labaatan dal oo Bandhiggaasi ka qayb gashay ayaa waxaa si weyn ugu dhex muuqatay Ardayda Soomaalida oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Dhar, Cunto iyo Alaabada laga isticmaalo Miyiga iyo Magaalooyinka Soomaalida.

Bandhiggan oo ka dhacay Jaamacadaha 6da October iyo Qaahira ayaa waxaa u soo daawasho tagay Kumanaan Dad ah oo isugu jira, Safiirro kala duwan iyo Arday , kuwaasoo aad ula dhacay bandhig dhaqameedka, gaar ahaan wacdaraha ay muujiyeen Ardayda Soomaalidu.

COMMENTS
LINKS