DAAWO; Nuxurka Khudbad Sanadeedkii Madaxwaynaha Jsl Oo Dhinacyo Badan Taabanaysa Iyo 1O Qodob Ee Ugu Mihiimsanaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Nuxurka Khudbad Sanadeedkii Madaxwaynaha Jsl Oo Dhinacyo Badan Taabanaysa Iyo 1O Qodob Ee Ugu Mihiimsanaa!
March 25, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland muuse biixi cabdi ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyay laba gole qaran ee baarlamaanka Somaliland taasi oo ahayd khudabd sanadeedkii Dastuuriga ahayd Khudbada Madaxwaynaha ayaa iskuu jirtay mid dhanicyo kala duwan uu kaga hadlay waxaana ay ka koobnay    Toban Qodob oo uu midwalba sidii isku Dultaagay

  1. Amniga.
  2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
  3. Dhaqaalaha iyo Horumarka.
  4. Kaabayaasha Dhaqaalaha.
  5. Arrimaha Bulshada.
  6. Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta.
  7. Garsoorka iyo Cadaaladda.
  8. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada.
  9. Doorashooyinka
  10. Warbaahinta.

In kasta oo ay xukuumaddeenu muddo 100 maalmood oo kaliya xilka Qaranka hayso, hadana Waxaannu is-bedel la taaban karo ka muujiney hagaajinta nidaamka maamul iyo haykalka dawladnimo, iyadoo ay hirgelinteeda saldhig  u ahayd isku duubnida iyo dadaalka qaybaha kala duwan ee waaxyaha xukuumadda oo dhan iyo taageerada shacbiga.

Muddadaa kooban, Waxaannu qaadney talaabooyin dhinaca wax-qabadka ah, sida dardar-galinta Heshiiska Dekedda Berbera, oo saamayn weyn ku yeellan doona dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland.

Heshiiskaas oo ay saddex dhinac  kala saxeexdeen. Waxaa dhawaan la bilaabi doonaa  mashaariic waaweyn  oo horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur  u keeni doona dalka.

Waxa kale oo mudnaanteeda leh in Ciidanka Qaranku ku durkay dhinaca xuduuda bariga, iyada oo ay shacabka Gobolka Sool  gacan ka siiyeen hawl-galkaas. Taas oo aannu uga mahad naqayno shacabka Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA KHUDBADA MADAXWAYNAHA OO DHAMAYSTIRAN;

COMMENTS
LINKS