TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
March 27, 2018 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidanka qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Ismaaciil Iid Dhinbiil oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 27/03/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara tacsi ugu dirayaa Maxamed Iid Dhinbiil oo marxuumka walaalkii ah iyo guud ahaan ciidamada Somaliland, isagoo marxuumku ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Qaranka.

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

 

Aamiin….Aamiin….Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

 

COMMENTS
LINKS