Muxuu Kaga Duwan Yahay Go”Aanka Xisbiga Wadani Kalsoonida Kagala Noqday Komishanka Doorashooyinka Go”aankii Xisbiga Kulmiye Ee Sagaal Sanno Ka Hor ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Kaga Duwan Yahay Go”Aanka Xisbiga Wadani Kalsoonida Kagala Noqday Komishanka Doorashooyinka Go”aankii Xisbiga Kulmiye Ee Sagaal Sanno Ka Hor ?
March 28, 2018 - Written by Editor:

HALKAN KA AKHRI; War Saxafadeedii Uu Xisbiga Kulmiye Kalsoonida Kagala Noqday Komishanka Doorashooyinka, Sagaal Sano Ka Hor, Oo Uu Ku Saxeexan Yahay Madaxwaynaha Maanta Talada Dalka Haya Muuse Biixi Cabdi.

HARGAYSA(W,N) Inkasta Oo Bulshada S/land Dareeno kala Duwan ka Bixisay Go”aanka Xisbiga Mucaaridka ahee Wadani kalsoonida kagala Noqday Komishanka Doorashooyinka Somaliland.Waxaase Iswaydiin Mudan:-Muxuu kaga Duwan Yahay Go”aanka Xisbiga Wadani,Go”Aankii Xisbiga Kulmiye Uu kalsoonida kala Noqday Komishanka Doorashooyinka Sagaal Sanno ka hor?

kulmiye iyo wadani

Sidoo kale Go,aanka Xisbiga Wadani Ayaa waxa Dhaliilay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Halka Sagaal Sanadood ka Hor Isagoo ah Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee kulmiye Isla Markaana  ah kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga uu soo Saaray War saxaafadeed uu kalsoonida kagala Noqday komishanka Doorashooyinka .

muuse-iyo-cirro

Dhanka kale qoraalkaa xisbiga kulmiye kalsoonida kagala noqday ayaa gabi ahaanba lagu socod siin madaxwaynaha Daahir Riyaale Kaahin, halka go,aanka xisbiga wadani madaxwayne muuse biixi lagu socod siiyay talada wax laga siiyay,

Qoraalkan Uu ku Saxeexnaa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biix Cabdi oo ah Madaxwaynaha Maanta Talada Haya,Go”aankaasi oo Xisbiga Kulmiye Gacanta ka Saaray Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka, Mr Jamac Sweden.Qoraalkan oo Xisbiga Kulmiye ku cadeeyay in dhamaanba wada shaqayntii Xisbiga Kulmiye la sameen jiray Komishanka doorashooyinka uu joojiyay,laga bilaabo maanta oo ah bisha 2/8/2009. Talaabadan uu xisbigu qaaday ayuu ku sababeeyay Maadama Komishanku Doorshooyinku lumiyeen Kalsoonidii iyo Dhexdhexaadnimadii ay Sadexda Xisbi Ee Tartamaya Dhexda u Ahaayeen,

War Saxaafadeedka Xisbiga Kulmiye Kalsoonidii Kala Noqday Komishinka Doorashooyinka Ayaa U Dhignaa Sidan.

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND EE (KULMIYE)                                                                             DATE: 02/08/2009

REF: XK/Gx1aad/0151/ 09               

KU: GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA =HARGEYSA=

OG:SHIR-GUDDOONKA GOLAHA GUURTIDA =HARGEYSA=

OG:SHIR_GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA =HARGEYSA=

OG:XAFIISKA DEEQ-BIXIYEYAASHA =HARGEYSA=

UJEEDDO: GO’AAN XISBI.

Shir uu maanta yeeshay Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aan ku gaadhay go’aamada hoos ku qoran:

1:In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .

  1. Xisbiga Kulmiye inuu aad u diidan yahay go’aankii Komishanka Qaranku ku laalay liiskii cod-bixiyeyaasha ee ka soo baxay Server-ka.

3: Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in Komishinku uu ka baxay dhexdhexaadnimadii, oo uu la saftay Xisbiga talada haya ee UDUB.

4: Xisbiga Kulmiye,wuxuu Go’aamiyey inuu Hakiyo Wada Shaqeyntii uu la lahaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka, Ilaa Inta uu Komishinka Qaranku Noqonayo Mid Dhexdhexaad ah Oo Soo Celin kara kalsoonidii Xisbi.

WA BILAAHI TAWFIIQ

MD: MUUSE BIIXI CABDI

K/S.. GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

AHNA GUD.KU-XIGEENKA 1aad.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAILCOM

COMMENTS
LINKS