Guul Iyo Guul Daro Hadba Ka Ay Somaliland ka Dhaxasho Heshiisyada Saldhiga Milatari Iyo DPW Ee Dekeda Berbera, Waxaa Yeelan Doona M, Muuse & Siilaanyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guul Iyo Guul Daro Hadba Ka Ay Somaliland ka Dhaxasho Heshiisyada Saldhiga Milatari Iyo DPW Ee Dekeda Berbera, Waxaa Yeelan Doona M, Muuse & Siilaanyo!
March 30, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Muran kama Taagna in Meertada noloshu tahay macalinka u Wayn ee Aadamuhu ku xaqiiqsado guulaha uu soo hooyay iyo qaladaadka uu galay madax iyo mijo mansab kasta uu hayo.Waxaana marag ma doona in talaabooyinka Xukuumada S/land ku raadinayso maalgashi caalami ah laga dheehan doono Mustaqbalka dhaw guul iyo guul darro midka uu keenay.Waxaase lama huraan ah in maanka iyo maskaxda lagu hayo Siyaasadaha guur-guurka badan ee dawladaha Carabta oo ah kuwo midabyo badan,mugdi badan iyo isbadallo badan ay ku lamaan yihiin una baahan foojignaan badan.

LABADA KALA DHAXLAY

Waxaana hubaala in Dusha laga Hadoodilo oo mugdi la galiyo Siyaasiyiintii ku suntanayd Fool habawgii Maandeeq iyo Xoriyadii Aynu ka qaadanay Boqortooyada Ingiriiska 26/6/1960, Oo Aanu jirin Qoraal Ama weedho Dhaxalgal ah oo si cad farta ugu fiiqaya tirada Siyaasiyiinta ku suntnayd israacii ama midnimadii Soomaaliya ee lagu khasaaray  iyo Deegaanaday u Dhasheen,Mar kale,waxaa Xusid Mudan In Aan si Cad Taariikhda loogu Sheegin Siyaasiyiintii ka soo horjeeday Midawgii Soomaaliya,Waxaase la gaadhay xilligii si cad Diiwaanka Taariikhda loogu Dhigi lahaa Afkaarta Siyaasiyiinta Iyo sahanka ay Galaan,iyadoo Maanta aynu ku xusayno Diiwaanka Qoraalka In  Heshiisyada Isku lamaan Ee Saldhiga Milatari Iyo Shirkadda DPW Ee Dekeda Berbera ay ku suntan Yihiin Buddhigiisa Iyo Hirgalintiisa Leeyihiin.Madaxwayne Muuse Biixi iyo Madaxwaynihii hore ee Siiraanyo. Guul iyo guul Darro Midka lagala kulmana ay Dhabarka ku qaadan doonaan Oo Taariikhda Lagu Xusi Doono,   .

Iyadoo Guud ahaan Bulsho Waynta S/land Maskaxdooda buux Dhaafisay Weedhaha ka soo yeedhaya iyo Aragtiyaha iska soo Horjeeda Ee Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaradku isku Mariyaan Warbaahinta.iyadoo Aragtida Muxaafidiintu sheegayso badhaadhe iyo Barwaaqo ka soo socda Heshiisyada Isku lamaan Ee Saldhiga Milatari iyo shirkadda DPW Ee Dekeda Berbera,Halka Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani ay sheegayaan In ay Arimo Musuq maasuq ku Qarsoon Yihiin Heshiiska Shirkadda DPW Ee Dakada Berbera,Iyagoo Si gaara Siyaasiyiinta Mucaaradku Uga digaya In Heshiiska Saldhiga Milatari in uu u horseedi karo Bulshada S/land khataro Nabadgalyo Xumo ah Iyo Quwado Shisheeye Oo ku dhex Hirdama Dalka S/land .

Markase laga Tago,Xafiiltanka Siyaasiyiinta ka dhexeeya iyo Aragtiyaha Iska soo Horjeeda Ee Muxaafidka iyo Mucaaradka ah,Waxay Bulshada S/land u Haraadan yihiin Aragti ka Madax Banaan oo Dhexdhexaadka ah Labada kooxood Ee ku Hirdamaya Hogaaminta Dalka,Waxayna Bulshada S/land si Gaara ugu Haraadan Yihiin Aqoonyahankii S/land u dhashay Ee Aaminsanaa Qaranimada S/land.Aqoonta gaar ahna u leh Arimaha Maalgashiga In Ay Shacabka u iftiimiyaan Saadaasha Dhabta Ee Laga filan karo Heshiisyada Isku lamaan ee Saldhiga Milatari iyo shirkadda DPW Ee dakada Berbera.

Waxaase Iswaydiin Mudan:-Maxaa Aamusiiyay Aqoonyahankii S/land u dhashay ee Aaminsan Qaranimada S/land Aqoonta Gaarana u lahaa Arimaha Maalgashiga ? Ma jiri karaan Dabar ku Xidhan oo Bulshada S/land ka Qarsoon oo Aamusiiyay aqoonyahankii S/land? Maxaa Warbaahinta S/land ka Hortaagan In ay Dood Cilmiyeed u Qabato Shaqsiyaadka Aqoonta  u leh Arimaha Maalgashiga? Ma leeyihiin Labada Madaxwayne Ee Xilalka la kala Wareegay Aqoonyahano Arimaha Maalgashiga oo kala Taliya?. 

Sikastaba ha ahaatee  Waxaa hubaal ah in ay Guud ahaan Bulsho Waynta S/land ka dhex Guuxayaan Su”aalahan iyo kuwo kale,iyadoo Aan meesha Laga saari Karin in uu jiro Dabar ku Xidhan oo Aamusiiyay Aqoonyahanka Reer Somaliland ee bartay aqoonta arimaha maalgashiga Bulshada S/land u ifttimin lahaa waxkasta oo ku gadaaman heshiisyada Isku lamaan ,waxaana la gudboon muwaadiniinta S/land  ee ka madax banaan Xisbiyahanada kala taageersan Kulmiye iyo Wadani in ay maskaxda iyo maankaba ku hayaan in Madaxwayne Muuse Biixi iyo Madaxwaynihii hore ee Siiraanyo ay dhabarka ku qaadan doonaan oo taariikhda lagu xusi doono guul iyo guul darro midka lagala kulmo heshiisyada isku lamaan ee Saldhiga Milatari iyo shirkadda DPW Ee Dakada Berbera,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COMM

 

COMMENTS
LINKS