Gobolada Awdal,Gabiley Iyo Salel Oo Aan Gabi Ahaanba ka Dhex Muuqan Mashaariicda Miisaaniyada 2018 Iyo Dareenada ku Xeeran!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gobolada Awdal,Gabiley Iyo Salel Oo Aan Gabi Ahaanba ka Dhex Muuqan Mashaariicda Miisaaniyada 2018 Iyo Dareenada ku Xeeran!!
March 31, 2018 - Written by Editor:

Ma Tahay Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Midd Isku Dheeli Tiran Oo Mashaariicda Ku Jirta Cadaalad iyo Sinaan Loogu Qaybiyay Gobolada S/land ?

Maxaase Uga Meel Yaala Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Xilldhibaanada Golaha Wakiilada Ee Laga Soo Doorto Gobolada Awdal,Gabiley,Hawd iyo Salal ?

HARGAYSA(W,N) Wasaarada Maaliyaddu waa Wasaarad Laf Dhabar u ah Dhismaha Dawladnimo,iyadoo Waraabisa Kharashaadka ay u baahan Yihiin Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee Xukuumadaha Caallamka,waa Wasaarad  Jaangoysa Siyaasada Dhaqaalaha Dalka,Waa Wasaarad Astaan u ah Nidaamka Maamul ee Dalka kasta ka jira, Iyadoo qaladka Wasaarada Maaliyada gasho ka dhigan yahay Qalooc Galay Dhamaan Wasaaradaha Iyo Laamaha Dawlada ee Dalka S/land, Mar kale waa Wasaarad Calaamad u ah Heerka Dalku ka joogo Maamul wanaaga,Sinaanta iyo Cadaalada Ee dalkaasi.

Sidoo kale,Miisaaniyaddu waa Muraayadda u wayn Ee laga Daawado Heerka xukuumada Talada Haysaa ka Taagan Tahay Isku dheelitirka Mashaariicda Horumarineed ee laga fulinayo Guud Ahaan  Somaliland Ee ku Jirta odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Oo maanta la Hor keenay Golaha Wakiilada.Mar kale,Sinaanta iyo cadaaladu Waa laba Tiir oo Udub Dhexaad u ah Dhismaha Dawladnimo, waxayna xoojiyaan Isku duubnida Iyo Midnimada Bulshada,Waxay kor u qaadaan Habsami u socodsiinta Hanaanka Dawladnimo iyo Niyad samaanta Bulsho waynta S/land,mar kale,Waa Astaanta koowaad ee lagu Garto koboca laga sameeyay dhanka maamul Wanaaga.

wasiir yuusuf

Ugu Horaynse,waxay Iswaydiintu Tahay.Maxay kaga Duwan Tahay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ugu faahfaahiyay Xilldhibaanada Golaha Wakiilada Warbixinadii Wasiiradii Hore ? Maxayse kaga duwan Tahay Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ee maanta la hor keenay Golaha Wakiilada Miisaaniyadihii Sannadihii hore ?Ma jiraa habdhaqan ku cusbaa faahfaahinta Wasiir Yuusuf ee Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ? Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ma tahay Midd isku dheeli Tiran oo Mashaariicda ku jirta Gobolada Bari iyo Galbeed cadaalad iyo sinaan loogu qaybshay? Maxaase uga meel yaala Xilldhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolada Awdal,Gabiley,Hawd iyo Salal ?

Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 oo ah miisaaniyadii u horaysay ee Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Hor keenay Xilldhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka taagan yihiin Su”aalahan iyo kuwo kale Badan,Iyadoo Shabakadda Wararka ee Wajaalenews.net mid mid u dull joogsan Doonto su”aalaha kor ku xusan:-

1: Guud ahaan markaad eegto Warbixinta Wasiirka Maaliyaddu ugu faahfaahiyay Xilldhibaanada Golaha Wakiilada Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ayaa noqonaysa warbixintii ugu dheerayd ee Wasiir ka hor jeediyo Golaha Wakiilada iyadoo socotay muddo 43 Minit ah,waxaanay u badnayd hadalada Wasiirku kuwo uu si gaara ah ugu faahfaahiyay faa”iidooyinka Qaranka u leeyihiin meelaha ka muuqda Miisaaniyadd Sannadeedka 2018, ee mushaharka loo kordhiyay ama Masheeriicda laga fulinayo,waxaanad moodaysay in Wasiirku Uu qudbad u jeedinayo Ardayda Dugsiyada dhexe iyo sare Dhigata.

Sidoo kale,waxay Warbixinta Wasiirka Maaliyaddu.kaga Duwanayd Warbixintii Wasiiradii ka Horeeyay,waxuu Wasiir Yuusuf si cad Golaha Wakiilada iyo Warbaahinta horteeda ugu faahfaahiyay nooca Mashaariicda horumarineed ee Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ku jirta iyo Deegaanada laga fulin doono,waxaana laga yaabaa in in uu kala kulmo xafiiltan horleh,halka Wasiiradii ka horeeyay duuduub ku sheegi jireen Mashhariicda ku jirta Miisaaniyadd Sannadeedka.

2: Dadka Arimaha Dhaqaalaha Aqoonta gaar ah u lihi waxay Tilmaamayaan in Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kaga duwan tahay Miisaaniyadihii ka horeeyay,in ay tahay Miisaaniyadd aan isku dheeli tirnayn waxayna sheegeen in ay noqon doonto Miisaaniyadd waxkabadall iyo kaabis badan kala kulmi doonta Golaha Wakiilada,

dhanka kale waxay Aqoonyahanadani Tilmaameen in aan Miisaaniyaddan lagu xusin Deeqaha la sheegay in ay xukuumada ka soo gaadheen dalka Emaaraatka Carabta iyo Heshiisyada isku lamaan ee Shirkada DPW ee Dakeda Barbera  Iyo Saldhiga Milatari.Sidoo kale waxaase xusid mudan in Wasiir Yuusuf faahfaahinta Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ku soo Darin Qorshahiisa uu kula Dagaalamayo Qiimo dhaca Lacagta Shilinka S/land ama Sarif Bararka.

3: Faahfaahinta Wasiir Yuusuf ee Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ayaa lagu arkayay habdhaqan ku cusub warbixinadii Wasiiradii ka horeeyay,waxaana warbixintiisa ku badnayd Weedho beerlaxawsi u badnaa sida:- ( Xilldhibaanada Sharfta leh ee Golaha Wakiilada )

4: Mashaariicda Horumarineed ee ku jirta Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ayaa u muuqata mid aan waxba ugu jirin Gobolada Galbeedka S/land sida :- Awdal,Gabiley,Hawd iyo Salall , waxaana laga yaabaa in ay Gobolada S/land ka abuuto Xafiiltan hor leh.

Ugu dambayn,Miisaaniyadd Sannadeedka 2018  waxaa laga War sugidoonaan talaabada ay ka qaadaan Ansixinteeda Xilldhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolada Awdal,Gabiley,Hawd iyo Salall .

 

LASOCO

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

FADLAN KA QAYB QAADO AKHRISTE FIKIRKAAGU WAA MUHIIM

COMMENTS
LINKS