Falanqaynta; Miisaaniyada 2018 Iyo Gal Daloolooyinka Dulhoganaya + Korodhka Miisaaniyada Madaxtooyada Oo Ka Badan Wasaaradaha Wax Soo Saarka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqaynta; Miisaaniyada 2018 Iyo Gal Daloolooyinka Dulhoganaya + Korodhka Miisaaniyada Madaxtooyada Oo Ka Badan Wasaaradaha Wax Soo Saarka,
April 2, 2018 - Written by Editor:

Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Oo Bannaanka Soo Dhigay Fashilaadaha Dull Hoganaya Siyaasadda Hogaamineed Ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi!

Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Ee Wasaaradda Maaliyaddu Waxay Quus Iyo Rajo Beel Ku Riday Rajadii Bulshada S/land Ka Qabeen Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

HARGAYSA (W,N) Qormadani Waa Qormo Taxana ah oo aynu ku lafo guri doono odoroska miisaaniyada 2018 Ee Jamhuuriyada Somaliland iyo bilowga xukuumada muuse biixi oo ay miisaniyadani noqonayso Tii ugu horaysay bar bilowga Xukuumada Uu Gadhwadeenka ka yahay,

maaliyada iyo madaxtooyada

Waa maalin Axada oo Taariikhda ku beegan 2/4/2018. Xarunta Golaha Wakiilada  Ayaa  ka socoto Su”aalo Xilldhibaanada Golaha Wakiiladu ka Waydiinayaan.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Yuusuf Maxamad Cabdi Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018.Waxaan nasiib wanaag ku Guulaystay In aan helo nuqull ka mida Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ee loo qaybshay Xilldhibaanada Golaha Wakiilada oo ka kooban Laba Buug oo kala yar,waxuu Buuga wayni ka kooban yahay 88 xaashiyadood,halka Buuga yari ka kooban yahay 52 xaashiyadood.Labada Buug waxaa si cad uga muuqda Saxeexa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Yuusuf Maxamad Cabdi .

Ugu Horayn waxaynu qormadan ku falanqayndoonaa  kharashaadka madaxtooyada ugu jira miisaaniyada Iyo dhaliilaha xoogan ee Dulhogonaya Wasaarada Maaliyada,

Waxay Bulshada S/land ka Warhaysaa in muddo Todoba Sannadood ah oo Xukuumadii hore Ee Madaxwayne Siiraanyo Talada Dalka Haysay ay Wasaaradda Madaxtooyada ahayd Wasaarad awood badan,balse Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, uma soo magacaabin Wassir waxaanu ku daray Wasaaradaha la Soo koobay,Waxaase xusid mudan oo ka Muuqda Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 120,671,383,042 .Boqoll iyo Labaatann Billyan Lix Boqol iyo Kaw iyo Todobaatann Millyann Sadex boqol iyo sadex sideetann kunn,Sideed boqol iyo shann iyo sideetann Shiling S/land oo cadaynaya in loo kordhiyay 64,138,404,177. ( Lixdan iyo Afar Billyann boqol sideed iyo sodon milyann afar boqol iyo afar kunn boqol todobaatan iyo todoba Shiling S/land) oo ka badan Kharashkii Ugu jiray Miisaaniyadd Sannadeedkii 2017 Xukuumadii hore Ee Madaxwayne Siiraanyo,oo dhannaa, 56,534,978,885  ( Kontonn iyo lix Billyann shann boqol sodon iyo afar millyan sagaal boqol todobaatann iyo sideed kunn sideed boqol sideed iyo shann shilling S/land ) iyadoo marka la kala jaro korodhka Kharashka Madaxtooyada ugu jira Sannadka 2018 iyo kharashkii ugu Miisaniyaddii Sannadkii 2017 ay is dheer yihiin 760,342,529  fiiro ;Gaara kharashka ku qoran Madaxtooyada kuma jirto    Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada waxaana ugu jira sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 23,851,626,948 Waxaanay Bulshada s/land Iswaydiinysaa.Waa Maxay Xillka ay qaranka u Hayso Wasaaradda Magacaabisteeda Iyo dhismaheedii Uu ka Maarmay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ?

Mar kale,Waxaan  Dull Joogsandoonaa kharashka Ugu jira Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Laf Dhabar u ah Qaranka S/land Waxaa Ugu jira Kharash Dhann 31,050,778,699 ( Sodonn iyo kaw Billyann kontonn milyann todoba boqol iyo sideed todobaatann kunn lix boqol sagaan iyo sagaal shilling S/land) Sidoo kale,waxaan dull joogsaday kharashka ugu jira Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Wasaaradaha wax soosaarka oo in badan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Warbaahinta ka sheegay in kor loo qaadayo kharashaadka ugu jira Wasaaradaha Horumarinta iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka u qaabilsan Ay. Sida Tahay:- Wasaaradaha Beeraha,Biyaha,Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Waxaa Ka Muuqata in Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 in ay Ugu jiraan Kharashaad Dhann,sidan:-Wasaaradda Beeraha waxaa ugu jira Lacag Dhann 13,425,817,229 . Halka Korodhka ka muuqda Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ayaa noqonaya 6,383,973,472 oo marka toban meelood loo qaybiyo Ay Hal meel ka noqonayso korodhka Lacagta ku qoran Madaxtooyada.

Halka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga ay ugu jiraan 25,344,369,366.Halka Wasaaradda Biyaha ugu jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharash dhann 15,572,815,976 .Halka Wasaaradda Deegaanka iyo Horomarinta Reer Miyiga ay ugu jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018  kharash dhann 12,783,932,016 inkastoo Wasaaradda Deegaanku tahay Wasaaradda kaliya ee kharashkii loo qoondeeyay Miisaaniyadii Sannadkii 2017 laga dhimay .

Isku soo wada duuboo Afartan Wasaaradood oo halbawle u ah koboc dhaqaale oo dalka S/land ka hano qaada ayay Wadarta guud ee kharashaadka guud ee ugu jira Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 noqonaysaa  67,126,934,587 (Lixdan iyo todoba Billyann boqol iyo Labaatan lix millyann sagaal boqol sodon iyo afar kunn shann boqol sideedtan iyo todoba shilinga s/land) Halka kharashka Wasaaradii Madaxtooyada ee lagu daray Wasaaradaha la soo koobay uu yahay sidan 120,671,383,042 (Boqoll iyo Labaatann Billyann Lix Boqol iyo Kaw iyo Todobaatann Millyann Sadex boqol iyo sadex sideetann kunn,Sideed boqol iyo shann iyo sideetann Shiling S/land ) .

Waxaynu  ku soo gunaanadaynaa Qormadan Su”aalahan.Ma laga filan karaa Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi in ay horomar iyo badhaadhe gaadhsiiso Bulshada S/land ? Ma jiraa Siyaasi ama Aqoonyahan saadaalin kara muuqaalka ay yeelan doonto Sannadaha ugu dambeeya muddo xileedka Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ? Muwaadin miyayna kaaga muuqan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 fashilaad dull hoganaya Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ? Muxuu Noqon doonaa Go”aanka ay ka Qaadan Doonaan Xilldhibaanada Golaha Wakiilada S/land Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ?

La Soco Qaybo kale oo xiiso leh

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS