Falanqaynta:- Goll-daloolooyinka Dull Hoganaya Odoroska Miisaaniyadd 2018 Iyo Dareenada Ku Xeeran Korodhka Mushaharka Xilldhibaanada Golaha Wakiilada! Qormada 2Aad , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqaynta:- Goll-daloolooyinka Dull Hoganaya Odoroska Miisaaniyadd 2018 Iyo Dareenada Ku Xeeran Korodhka Mushaharka Xilldhibaanada Golaha Wakiilada! Qormada 2Aad ,
April 3, 2018 - Written by Editor:

Falanqaynta:- Goll-daloolooyinka Dull Hoganaya Odoroska Miisaaniyadd 2018  Iyo Dareenada Ku Xeeran Korodhka Mushaharka Xilldhibaanada Golaha Wakiilada!   

Qormada 2Aad

HARGAYSA(W,N) Guud Ahaan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waa mid ay ka Muuqato Dhaliilo badan iyo isku dheeli Tirnaan La,aan ka Markhaati kacaysa Heerka Aqooneed iyo Waayo aragnimo Ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi,Hadaba Markaad Eegto faraqa u Dhexeeya Mushahar kordhinta Loo Sameeyay Golaha Wakiilada Ayaa Dhann 9,346,000,000 oo Mushaharka Xilldhibaanka ka dhigaysa 9,497,967 .Halka Miisaaniyadii Sannadkii 2017 ay ugu jireen Lacag dhann 6,396,000,000  oo Mushaharka Xilldhibaanka ka Dhigaysay 6,500,000, Iyadoo korodhka Mushaharka loo sameeyay Xilldhibaanka Golaha Wakiilada Uu Noqonayo 3,000,000 Shilinka S/land Midkiiba,Waxaase Xusid Mudan In Aan Golaha Guurtida Mushahar Kordhin loo samayn,Sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Kharashka Miisaaniyadda Ugu jira Uu dhan Yahay 7,098,000,000 oo Mushaharka Xilldhibaanka Golaha Guurtida ka dhigaysa 7,213,414 .

Dadka Arimaha Siyaasadda iyo Maamulka sida Joogtada ah ula socdaa ayaa ka bixiyay fikrado isku mida,waxaanay ku Tilmaameen mid marag cad looga dhigi karo Laaluush Xilldhibaanada Golaha Wakiilada lagu siinayo in ay ku Ansixiyaan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 oo Dhaliilo badani dull Hoganayaan,iyagoo ku sabobaynaya in Mushahar kordhinta lagu koobay Golaha Wakiilada oo Waajib Gaar ahi ka saaran yahay Ansixinta ama Diidmada Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 .

golaha iyo wasiirka maaliyada

Mar kale,Mushaharka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka  sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waxaa ugu jira Mushaharka iyo gunada Madaxwaynaha Lacag dhann Mushahar 546,000,000 Guno 273,000,000  oo Wadarta guud noqonayso 810,000,000.Halka Mushaharka iyo gunada Madaxwayne ku xigeenka uu dhann yahay Sidan.Mushahar 390,000,000 Gunno 195,000,000 oo wadarta guud noqonayso 585,000,000,Waxaase iswaydiin mudan:-Waa Maxay Lacagta 7,000,000,000     ( Todobada Bilyann ah ) ee kharashka Wasaaradii laga maarmay ee Madaxtooyada ugu jira Madaxwayne ku xigeenka S/land ? Maxaa loogu xusi waayay Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 kharashaadka Madaxwaynaha sida loogu xusay Madaxwayne ku xigeenka S/land ? Maxaase sabobay Korodhka 1,000,000,000 ee Madaxwayne ku xigeenka loo kordhiyay sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ? .

Isku soo wada duuboo,Mushahar kordhinta loo sameeyay Golaha Wakiiladu waxay noqon doontaa mid marag cad ku Noqota Xilldhibaanada Golaha Wakiilada oo ay ku Ansixiyaan Mushahar kordhinta Laaluushka u Eg? Mise waxay ka Gudan Doonaan Waajibkooda oo Way Horjoogsan Doonaan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Ee Dhaliisha Badan ka Muuqato .

LASOCO

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS