Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Bahda Fanka Iyo Sugaanta Ee Ay Ka Baxday Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Bahda Fanka Iyo Sugaanta Ee Ay Ka Baxday Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac
April 4, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo biirtay, 1969kii.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS